Home Wararka Somaliya Ra’isul Wasaare Rooble oo kulan la qaadanaya Saraakiishii kasoo horjeesatay Mudo kororsiga

Ra’isul Wasaare Rooble oo kulan la qaadanaya Saraakiishii kasoo horjeesatay Mudo kororsiga

0

Wasaaraha Xukuumada federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa lagu wadaa in saacadaha soo aadan kulan gaar ah la qaato saraakiishii kasoo horjeestay mudo kororsiga dowlada Soomaaliya ay ka laabatay.

Sida aan wararka ku helnay Rooble iyo guddi ay iska soo dhax magacaabeen saraakiishan ayaa kawada hadlaya sidii loo dhameyn lahaa xiisadii ka dhalatay mudo kororsiga ayna ciidamada dib ugu laaban lahaayeen goobihii ay ka yimaadeen.

Ra’isul Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya oo dhawaan lagu wareejiyay howlaha doorashada iyo amaanka ayaa kulamo la qaatay qaar kamid ah musharaxiinta mucaaradka kuwaa uu kala hadlay sidii loo dejin lahaa xiisada Muqdisho .

Rooble ayaana dadaal badan ku bixinaya sidii magaalada Muqdisho looga saari lahaa ciidamada taabacsan mucaaradka kuwaa oo dhankooda ka wal walsan hadii ay laabtaan in aargoosi kala kulmaan saraakiisha iyo madaxda dowlada.

Saraakiisha hogaamineysay ciidamadii Muqdisho kula dagaalamay kuwa dowlada fedeeraalka Soomaaliya ayaa shir ay yeesheen ayey soo saareen qodobo ay shuruud kaga dhigeen in ay ka baxaan magaalada kuna laabtaan furumaha dagaalka.

Ad
Previous articleBoqorka Sacuudi Carabiya Salman Bin Abdulaziz oo Wiilkiisa iyo Xubo kale u Magacaabay Xilal Sare
Next articleRa’isul Wasaare Rooble oo Magacaabay Wasiir Cusub

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here