Home Wararka Somaliya Hirshabeelle Ra’isul Wasaare Rooble oo gaaray Degmad Balcad ee Gobalka Sh/dhaxe

Ra’isul Wasaare Rooble oo gaaray Degmad Balcad ee Gobalka Sh/dhaxe

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta safar  ku tagay Degmada Balcad ee Gobolka Shabeellada Dhexe, oo dhisamaha Wadada laamiga ah uu ka soconayo

Ra’iisul Wasaaraha oo ay wehliyaan madaxweynaha Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen (Guudlaawe), Wasiirka Amniga  abdullaahi Maxamed Nuur iyo mas’uuliyiin kale, iyaga oo safar dhinaca dhulka ah uga baxay Magaalada Muqdisho.

Mas’uuliyiintaan ayaa  booqashadan ugu kuurgalaya xaaladaha amni nololeed ee degmada Balcad iyo deegaannada ku teedsan iyo halka ay marayaan mashaariicda horumarineed ee halkaas ka socda sida dhismaha waddada laamiga ah ee xiriirisa Muqdisho iyo Jowhar.

  

Ad
Previous articleHub Laga keeno Iran oo la Soo galiyo Somaliya
Next articleMaxay ka wada hadlayaan Axmed Madoobe iyo Siciid Dani ?

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here