Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta safar ku tagay Degmada Balcad ee Gobolka Shabeellada Dhexe, oo dhisamaha Wadada laamiga ah uu ka soconayo
Ra’iisul Wasaaraha oo ay wehliyaan madaxweynaha Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen (Guudlaawe), Wasiirka Amniga abdullaahi Maxamed Nuur iyo mas’uuliyiin kale, iyaga oo safar dhinaca dhulka ah uga baxay Magaalada Muqdisho.
Mas’uuliyiintaan ayaa booqashadan ugu kuurgalaya xaaladaha amni nololeed ee degmada Balcad iyo deegaannada ku teedsan iyo halka ay marayaan mashaariicda horumarineed ee halkaas ka socda sida dhismaha waddada laamiga ah ee xiriirisa Muqdisho iyo Jowhar.
Ad