Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble iyo wefdi uu hoggaaminayo ayaa u Soo ambabaxay magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Dowlad-goboleedka Galmudug.
wafdiga Ra”isul Wasaaraha ayaa ka kooban Wasiiro iyo Xildhibaano ka Tirsan Dowladda dhaxe ee Dalka.
Garoonka Diyaaradaha Dhuusamareeb waxaa Hadda Ku sugan Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor iyo Masuuliyiin ka Tirsan Galmudug.
Safarka Ra”isul Wasaaraha ayaa imaanaya xilli shalay uu Fashilmay Wada Hadaladii Ahlusuna iyo Galmudug Muddo u soconoyay.
Ad