Home Wararka Maanta Ra’isul Wasaare Rooble iyo Safiirka Qadar oo Maanta kulan Wada qaatay

Ra’isul Wasaare Rooble iyo Safiirka Qadar oo Maanta kulan Wada qaatay

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa XFiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Qatar ee Soomaaliya Danjire Xasan Xamza.

Labada Mas’uul ayaa ka wada hadlay  xiriirka labada dal, habsami u socodka mashaariicda horumarineed ee Qatar ka hirgelineyso Soomaaliya iyo Arrimaha doorashooyinka dalka.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa uga mahad celiyay Safiirka Qatar sida ay taageerada had iyo jeer u siiyaan dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Safiirka Qatar ayaa dhankiisa sheegay inay dardar gelin doonaan mashaariic horumarineed oo ay ka fuliyaan meelo kamid ah Soomaaliya, sidoo kale ay dowladda Federaalka kala Shaqeyn doonaan Arrimaha doorashooyinka.

Ad
Previous articleTaliska Xooga dalka oo war ka soo saaray Qarax Lagu Weeraray Werashadii Hore ee Nac naca
Next articleRa’isul wasaaraha soomaaliya oo isbitaalada Ku Booqday Dhalinyaradii shalay Lagu Qarxiyay Muqdisho (Sawiro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here