Home Wararka Somaliya Taliska Xooga dalka oo war ka soo saaray Qarax Lagu Weeraray Werashadii...

Taliska Xooga dalka oo war ka soo saaray Qarax Lagu Weeraray Werashadii Hore ee Nac naca

0
Taliyaha Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed Gen, odawaa Yuusuf Raage ayaa xaqiijiyay dhimashada 10 kamid ah dhallinyaro dooneysay in ay qortaan Ciidamada CXD.
“Allaha u naxariisto waxaa dhintay 10 kamid dhallinyaro dooneysay in ay ku biiraan ciidamada xoogga dalka waxaana dhaawac soo gaaray 20 kale kuwaa oo ku sugnaa banaanka koontarool-ka laga galo xerada ciidanka ee General Dhaga badan, dhallinyarada ayaa sugeysay Baaritaanka ka hor inta uusan dhex galin qof naftii halige ah” sidaas waxaa Warbaahinta Qaranka u sheegay Taliyaha ciidanka xoogga dalka General Odawaa Yuusuf Raage.
Sidoo kale ilo Dhanka amniga ah ayaa sheegaya in Qaraxaas Khasaaraha ka dhashay ay gaarayaan ku dhawaad 30 ruux oo dhaawacyo iyo dhimasho ay soo gaareen.
Ad
Previous articleFaafaahin ku saabsan Qarax ka dhacay Xerada Ciidamada Nac naca
Next articleRa’isul Wasaare Rooble iyo Safiirka Qadar oo Maanta kulan Wada qaatay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here