Home Wararka Maanta Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya oo ka soo laabtay Jabuuti

Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya oo ka soo laabtay Jabuuti

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumaddd Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed  Xuseen Rooble iyo wafdigii uu hoggaaminayay ayaa dalka dib ugu soo laabtay ka dib markii ay dalka Djibouti uga qeyb galeen caleemo-saarka madaxweynaha Jamhuuriyadda Djibouti mudane Ismaaciil Cumar Geelle.

Ra’iisul wasaaraha iyo wafdigiisa ayaa caawa fiidkii soo gaaray magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

“Waxaan ku soo laabtay Caasimadda Muqdisho ka dib markii aan Djibouti uga qeyb galay caleemasaarka madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle. Madaxdii Gobolka ee aan Djibouti isku aragnay waxaan ka wada hadalnay arrimo muhiim u ah xasilloonida gobolka geeska Arika,” ayuu ra’iisul wasaare Rooble ku yiri qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka.

Caleemo-saarka Ismaaciil Cumar Geelle oo mar kii shanaad loo doortay madaxweynaha Jabuuti ayuu Ra’iisul Wasaaraha Maxamed  Xuseen Rooble ka mid ahaa madaxdii lagu casuumay.

Ad
Previous articleDeg Deg Weriye Caan ah oo Muqdisho ku geeriyooday
Next articleTaliyaha Boliiska Soomaaliya oo Taliyaal cusub u Magacaabay Saldhigyada Dhuusamareeb iyo Matabaan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here