Home Wararka Maanta Taliyaha Boliiska Soomaaliya oo Taliyaal cusub u Magacaabay Saldhigyada Dhuusamareeb iyo Matabaan

Taliyaha Boliiska Soomaaliya oo Taliyaal cusub u Magacaabay Saldhigyada Dhuusamareeb iyo Matabaan

0

Taliska Ciidamada Booliska Soomaaliyeed ayaa taliyeyaal Cusub waxaa uu u Magacaabay Saldhiga Booliska Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug iyo Saldhiga Booliska degmada Matabaan ee Gobolka Hiiraan.

Wareegto kaso baxay Xafiiska Taliyaha Ciidamada Booliska Soomaaliyeed ayaa waxaa xilka Taliyaha Booliska Magaalada Dhuusamareeb loogu Magacaabay Gaashaanle Maxamed Xasan Warsame, halka Taliyaha Saldhiga Booliska degmada Matabaan ee Gobolka Hiiraan loo Magacaabay  Dhame Nuur Cilmi Maxamed.

Sidoo kale Taliyaha Ciidamada Booliska Soomaaliyeed Janeraal Cabdi Xasan Maxamed Xijaar ayaa taliye kuxigeenka qeybta Guud ee Booliska Gobolka Mudug waxaa uu u Magacaabay Gaashaanle Maxamed Mire Maxamuud, kaas oo hore u ahaa Taliyaha Booliiska Dhuusamareeb.

Ugu dambeyn Taliyaha Booliska Soomaaliya ayaa amray Taliyaha qeybta Guud ee Booliska Gobolka Mudug ee Maamulka Galmudug in uu howlgeliyo saraakiisha la Magacaabay, isla markaana uu u dalbo xaquuqda ay leeyihiin.

Ad
Previous articleRa’isul Wasaaraha Soomaaliya oo ka soo laabtay Jabuuti
Next articleMadaxdii Hore ee dalka oo kulan Deg Deg ah uga soconaya Muqdisho {Sawiro}

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here