Home Wararka Somaliya Ra’isul Wasaaraha Soomaalia oo Joojiyay Heshiis ku saabsan Ganacsi Laga Furi lahaa...

Ra’isul Wasaaraha Soomaalia oo Joojiyay Heshiis ku saabsan Ganacsi Laga Furi lahaa Tiyaatarka Qaranka

0

Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa ku amray Wasiirka Warfaafinta Cismaan Dubbe in uu ka laabto ijaarka maqaaxi ku taal gudaha Tiyaatarka Qaranka kadib markii ay cabasho ka keeneen abwaaniinta iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed.

Qoraal goor dhow la soo dhigey taleefishinka qaranka ayaa u qornaa sidan;

War Saxaafadeed

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Cismaan Dubbe ayaa hakiyey ijaarka iyo dib u hawl-gelinta maqaaxida Tiyaatarka isaga oo fulinaya amarka Raisal Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble kaddib markii qaar kamid ah Hal abuurka iyo fannaaniinta Qaranka ay ka keeneen cabasho.

War qoraal ah oo Wasiirku ka soo saaray arrinkaas wuxu u dhigay sidatan:

“Aniga oo fulinaya amarka Raisal Wasaaraha JFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble waxa aan joojiyey dib u hawl-gelinta maqaaxida Tiyaatarka illaa amar dambe kaddib markii laga keenay cabasho ku aaddan dib u furisteeda”

Waad mahadsantihiin

Cismaan Abokor Dubbe

Ad
Previous articleR/W Rooble oo la kulmay Musharaxiinta Madaxweynaha
Next articleSarkaal ka tirsan Kooxda Shabaab oo isku soo dhiibay Galmudug

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here