Home Wararka Maanta Raisal Wasaare Xambe Bare oo lagu Wareejiyay 25 kamid ah Maxaabiista Somaliland

Raisal Wasaare Xambe Bare oo lagu Wareejiyay 25 kamid ah Maxaabiista Somaliland

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa la wareegay 25 maxbuus oo kasoo jeeda Somaliland, kuwaas oo lagu qabtay dagaalladii ka dhacay gobolka Sool, sida lagu sheegay warmurtiyeed kasoo baxay safarkiisii uu ku tegay deegaanka SSC-Khaatumo.

Maamulka SSC-Khaatumo, oo la tashaday golayaasha maamulkiisa, ayaa maxaabiistan ku wareejiyay Dowladda Soomaaliya, iyaga oo tilmaamay in maxaabiistu yihiin kuwo duruufo gaar ah ku sugan, si loogu celiyo ehelkoodii.

“Iyada oo la tixgalinaayo Barnaamijka Nabadeynta ee uu garwadeenka ka yahay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya, ayuu Maamulka SSC-Khaatumo oo la tashaday Golayaasha Maamulka ku wareejiyay Dowladda Federaalka Soomaaliya 25 maxbuus oo kamid ah maxaabiistii lagu qabtay dagaalkii Somaliland iyo dad reer SSC-Khaatumo Kuwaas oo leh duruufo gaar ah, Waxayna Dowladda Federaalka Soomaaliya dib ugu celin doontaa ehelkoodii iyaga oo badqaba” ayaa lagu yiri warmurtiyeedka kasoo baxay safarka Ra’iisul Wasaaraha.
Waxaa sidoo kale la isla meel dhigay in maamulka SSC-Khaatumo uu noqdo dowlad goboleed rasmi ah iyo xubin buuxda oo ka tirsan Golaha Wadatashiga Qaranka (NCC), ayna deegaanadoodu yihiin qeyb ka mid ah dhulka Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Dowladda Federaalku waxay meesha ka saartay in degaanada SSC Khaatumo ay yihiin deegaano lagu muransan yahay. Sidaa darteed, waxay  hay’adaha dowladda, kuwa aan dowliga ahayn, iyo saaxiibada caalamiga ah ugu baaqday inay si caadi ah uga howlgalaan degaanada SSC-Khaatumo.

Labada dhinac waxay ku heshiiyeen in si wadajir ah looga shaqeeyo dib-u-habeynta iyo horumarinta ciidamada SSC-Khaatumo, si loo waafajiyo hanaanka amniga qaranka ee Dowladda Federaalka.

Dowladda Federaalka iyo Maamulka SSC-Khaatumo waxay isku raaceen in si wadajir ah looga shaqeeyo hirgelinta mashaariic horumarineed oo wax ka beddelaya nolosha shacabka deegaanka.

Hoos ka Akhriso warmurtiyeedka kasoo baxay safarka Ra’iisul Wasaaraha:-
 

Magaalada Muqdisho oo Rasi ah looga bilaabay Diiwaangalinta Doorasho Qof iyo Cod

Waxaa maanata magaalada Muqdisho si rasmi ah uga bilaawday diiwaangalinta cod bixiyayaasha oo ah talaabadii ugu dambeysay ee ka harsanayd bilaabashada doorashada qof iyo codka ah ee golayaasha deegaanka. Guddoomiyaha

Warar laga helayo Dagaal ka Socda Galmudug gaar ahaan Deegaanka Haamcaduur

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal culus oo ka dhacay tuulada Haamcaduur oo hoostagta deegaanka Qaayib ee gobolka Galgaduud, kaasoo dhexmaray ciidamada deegaanka iyo kuwa Al-shabaab. Dagaalka ayaa la

UK oo kordhisay Kaalmada ay siiso Ciidanka Dowlada somaliya Xili uu jiro Dagaalka Shabaab

Iyadoo Soomaaliya ay wajahayso halis amni oo cusub oo ka imaanaysa Al-Shabaab oo markale xoogeysanaya, ayaa Boqortooyada Midowday ee UK waxay kordhisay taageerada ay siiso Ciidamada Amniga Soomaaliya (SSF). UK

Dalka Mareykanka oo lagu Xiray Muwaadin Somali ah oo lala Xiriirinayo dambiyo maandooriye

Saraakiisha Ilaalada Xuduudaha ee Maraykanka gaar ahaan Waaxda Blaine, Washington, ayaa xiray Muwaadin Soomaali ah oo taariikh dembi ku lahaa dalkaasi Mareykanka maadama lala xiriiriyay isticmaalka iyo dambiyada ka dhaca

Raisal Wasaare Xamze oo la kulmay Bulshada Gobolka Sanaag

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa kulan la yeeshay xubno matalayey qeybaha kala duwan ee bulshada Gobolka Sanaag. Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, oo ku
Ad
Previous articleMagaalada Muqdisho oo Rasi ah looga bilaabay Diiwaangalinta Doorasho Qof iyo Cod