Home Wararka Maanta Raila oo qaadaya tallaabo ka dhan ah natiijada doorashadii Kenya

Raila oo qaadaya tallaabo ka dhan ah natiijada doorashadii Kenya

0

Siyaasiga dalka Kenya Raila Odinga, ayaa maanta oo Isniin ah lagu wadaa in uu maxkamada ugu sareyso u gudbiyo dacwad ka dhan ah natiijada doorashadii madaxtinimo ee dhawaan ay guddiga doorashada dalkaasi ku dhawaaqeen.

William Ruto, madaxweyne ku xigeenka Kenya wuxuu Odinga, kaga adkaaday tira 200 kun ka badan. Kiiska Mr Odinga ayaa waxaa sii xoojinaya in afar ka mid ah todobada xubnood ee doorashada – oo ay ku jirto guddoomiye ku xigeenka Juliana Cherera – ay qaadeen tallaabo aan caadi ahayn oo ay ku diideen natiijada.

Sannadkii 2017-kii Maxkamadda Sare ee Kenya ayaa baabi’isay natiijada doorashadii madaxtinimo ee dalkaas, iyadoo ku sababaysay in uu khaladaad ku jiray, waxayna amartay in doorasha cusub lagu qabto muddo 60 maalmood gudahood ah.

Kaddib Uhuru Kenyatta oo hadda xilka haya ayaa ku guuleystay doorashada ku celiska ah.

Ad
Previous articleGabadha Soomaaliyeed ee wacdaraha ka dhigtay tartan feer oo naadir ah
Next articleMadaxweynaha Galmudug oo Kormeeray dhismaha Garoonka Diyaaradaha caabud-waaq

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here