Home Wararka Maanta Gabadha Soomaaliyeed ee wacdaraha ka dhigtay tartan feer oo naadir ah

Gabadha Soomaaliyeed ee wacdaraha ka dhigtay tartan feer oo naadir ah

0

Ramla Ali, oo ah gabadh Soomaali ah ayaa ku guulaysatay tartanka Feerka ee markii ugu horreysay noocisa lagu qabto magaalada Jeddah ee dalka Sucuudi Carabiya.

Ramla oo 32 sano jir ah ayaa daqiiqad ka dib dhulka dhigtay Crystal Garcia Nova oo ka soo jeeda Dominica, taasoo sababtay in Ramla ay ku guuleysata tartankaasi.

Ramla ayaa sheegtay inay u hambalyeynayso gabadha ka guulaysatay.

Ramla ayaa go’aansatay inay magaca Soomaaliya ku dagaalanto, inkastoo ay haysata dhalashada dalka UK.

Waxay sheegtay in muddo toban sanadood ah oo ku jirtay feerka ay muujisay dadaal dheeri iyo naf hurid, isla markaana ay dagallantay 75 jeer, ayna ciyaaro feer ah u tagtay 20 dal.

“Arrinta yaabka leh ee ku saabsan bulshada Soomaaliyeed ayaa ah in ay is-taageeraan iyaga dhexdooda,” ayay Ramla Cali u sheegay BBC Sport.

Go’aanka Ramla ee ka qeyb-galka feerka Sacuudiga ayaa waxaa ka dhashay dhaleeceyn, iyadoo qaar ka mid ah taageerayaasha baraha bulshada ay soo xiganayeen tacadiga xuquuqul insaanka ee ka jira Sacuuudiga iyo sida loola dhaqmo haweenka.

Sacuudiga ayaa wajahaya eedeymo la xiriira xadgudubyo ka dhan ah xuquuqda aadanaha, waxaana hadda ay Yemen ka wadaan howlgal milateri oo sababay dhibaato bini’aadinimo

 

 

Ad
Previous articleMadaxweyne Guudlaawe oo Dhagax dhigay Garoon diyaaradeed oo laga dhisayo Matabaan (Sawirro)
Next articleRaila oo qaadaya tallaabo ka dhan ah natiijada doorashadii Kenya

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here