Home Wararka Maanta Ra’iisul Wasaare Xamse Oo U Ambabaxay Dalka Itoobiya Xili Xiriirka itoobiya iyo...

Ra’iisul Wasaare Xamse Oo U Ambabaxay Dalka Itoobiya Xili Xiriirka itoobiya iyo Soomaaliya Soo Hagaagaayo

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta safar shaqo ugu ambabaxay Magaalada Addis Ababa ee Caasimadda dalka Itoobiya.

Wafdiga waxaa garoonka diyaaradaha Aadan-Cadde ka sagootiyay Xubno katirsan Golaha Wasiirada Soomaaliya halka Wasiiro kale iyo la taliyeyaal ay qeyb ka yihiin safarkiisa.
Agaasimaha Warfaafinta Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Farxaan Jimcaale oo faah faahi ka bixiyay safarka ayaa sheegay in Ra’iisul Wasaaraha iyo wafdiga la socda ay dalka Itoobiya kaga qaybgali doonaan shirka caalamiga ee Madasha Tana oo looga hadlayo Amniga Qaaradda Afrika.

Ugu dambeyn Agaasimaha Warfaafinta Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Farxaan Jimcaale wuxuu sheegay in Wafdiga Ra’iisul Wasaaraha ay kulamo doceedyo kala duwan la qaadan doonaan mas’uuliyiinta iyo madxda kale ee ka qeyb galeysa shirka.

Ad
Previous articleBoliiska Somaliland oo Hargeysa ku xiray haweeney ku kacday fal laga argagaxay (Sawirro)
Next articleMadaxweyne Qoor Qoor oo Dib ugu soo laabatay Degaanada Galmudug(Sawiro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here