Home Wararka Maanta Ra’iisul Wasaare Xamsa oo si diirran loogu soo dhaweeyey Magaalada Kismaayo(Sawiro)

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo si diirran loogu soo dhaweeyey Magaalada Kismaayo(Sawiro)

0

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo si diirran loogu soo dhaweeyey Magaalada Kismaay

Kismaayo, Nofeembar 26, 2023; Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre iyo wafdi uu hoggaaminayo, ayaa maanta soo gaaray magaalada Kismaayo, halkaas oo ay si diirran ugu soo dhaweeyeen Madaxweynaha Dowlad goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, Madaxwene ku-xigeennada, Guddoomiyaha Golaha Wakiillada iyo qeybaha kala duwan ee bulshada Jubbaland.

Socdaalka Ra’iisul Wasaaraha ee Jubbaland ayaa la xiriira u kuurgelidda xaaladaha binu aaddantinimo ee ka dhalatay daadadka El-nino oo saameyn xooggan ku yeeshay deegaannadan, dardar-gelinta howl-galka wajiga 2aad ee ciribtirka Khawaarijta, xarig jarka iyo dhagax-dhigga mashaariic horumarineed iyo xoojinta wada-shaqeynta hey’adaha Federaal iyo kuwa dowlad-goboleed Jubbaland.

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa uga mahadceliyey Dowlad goboleedka Jubbaland iyo qeybaha kala duwan ee bulshada soo dhaweynta diirran ee lagu qaabilay.

Ad
Previous articlebaarlamaanka Puntland oo dhabar ka toogtay Qorshihii Siciid Deni
Next articleIlmo yar oo saaka ku dhintay xaafad go’doon ku jirta degmada Buurdhuubo oo qubuuro lagu aaso la waayay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here