Home Wararka Maanta baarlamaanka Puntland oo dhabar ka toogtay Qorshihii Siciid Deni

baarlamaanka Puntland oo dhabar ka toogtay Qorshihii Siciid Deni

0

Ajandaha fadhigga baarlamanka Puntland ee maanta oo Axadda ah ayaa gebi ahaanba laga saaray xeerka doorashooyinka qof iyo cod ee muranka xooggan ka taagan yahay, sida ay xaqiijinayaan warar lagu kalsoon yahay.

“Ajandaha Fadhiga waa laga tuuray qodobka muranka badan dhaliyay ee xeerka doorashooyinka qof iyo cod, laguma soo qaadi doono gebi ahaanba” sidaas waxa noo caddeeyay ilo wareedyo lagu kalsoon yahay.

Wararka ayaa sheegaya in qodobkaas ajandaha looga saaray, kadib markii uu khilaaf ba’an ka dhex abuuray xildhibaanada baarlamanka Puntland, islamarkaana saamayn ku yeeshay habsami-u-socodka shaqada golaha.

Dhinaca kale, guddoomiyaha baarlamanka Puntland ayaa kulan gaar ah la yeeshay guddi ka kooban 10 xubnood, oo ay iska soo saareen haween muddaharaad ka dhigayay afaafka hore ee xarunta golaha, kuwaas oo xildhibaannada ka dalbanayay in ay nabadda u hiilliyaan.

Arrintan ayaa ku soo beegmaysa iyadoo xiisad siyaasadeed ka taagan tahay arrimaha doorashada madaxtinimada Puntland oo ay ku muransan yihiin dowladda iyo siyaasiyiinta mucaaridka ah.

Xukuumadda madaxweyne Siciid Deni ayaa doonaysa in doorashada baarlamanka iyo madaxtooyada Puntland ee soo socota lagu qabto hannaanka qof iyo cod, halka siyaasiyiinta mucaaradka ah doonayaan in lagu galo nidaamkii 66 xildhibaan.

Ka-saarista ajendaha baarlamanka ee xeerka doorashooyinka qof iyo cod ayaa dhabar jab weyn ku ah madaxweyne Deni oo doonayey in deg deg loo ansixiyo xeerkan laguna kala baxo.

Saciid Deni ayey mucaaradku ku eedeeyeen inaanu dooneyn doorasho qof iyo cod ah, balse uu waqti ku luminayo si uu u baajiyo doorashada madaxweyene ee bisha Janaayo ee 2024, una dheereysto muddo xileedka.

Mucaaradka ayaa sheegay inay dagaal ka xigaan muddo kororsi, waxaana horey ay iska horimaadyo uga dhaceen magaalada Garoowe, oo shacabka qaarkiis ay ka barakaceen.

Ad
Previous articleP.M Xamza oo ku wajahan Kismaayo iyo Xog laga helay Ujeedka Safarkiisa
Next articleRa’iisul Wasaare Xamsa oo si diirran loogu soo dhaweeyey Magaalada Kismaayo(Sawiro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here