Hey’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka Soomaaliya ayaa maanta magaalada Baraawe ku soo bandhigay seddax nin oo la sheegay inay ka tirsan yihiin kooxda Al-Shabaab.
Magaaladaas waxaa ku sugan guddoomiyaha golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya iyo Madaxweynaha Koonfur Galbeed, waxaana la sheegay in ragga la qabtay ee ka tirsan Al-Shabaab ay ku howlanaayeen qorsheynta weerarro culus, balse laga hor tegay.
Warbaahinta dowladda ayaa soo bandhigtay muuqaal laga soo duubay seddaxda nin ee lagu soo qabtay howlgalkaas oo indhaha ka xiran.
Howlgalka lagu soo qabtay raggaan ayaa saameeyey dhamaan qeybaha ay ka kooban tahay magaalada Baraawe, waxayna saraakiishu sheegeen inay ku guuleysteen inay soo wada qabtaan raggii la helay xogtooda ee dhagarta maleegayey.
Dowladda Soomaaliya ayaa hadda xoogga saareysa inay ka hor tagto weerarrada ka imaanaya Al-Shabaab, iyadoo la xoojinayo dhanka sirdoonka, waxaana mudooyinkii dambe sidaan oo kale loo fashiliyey weerarro dhowr ah.