Home Wararka Somaliya Rag ka tirsan Kooxda Shabaab oo Maxkamad lagu soo taagay maanta Gobolka...

Rag ka tirsan Kooxda Shabaab oo Maxkamad lagu soo taagay maanta Gobolka Mudug

0

Maxkamadda Dajada 1aad ee Ciidamada Qalabka sida ee Gobolada Mudug iyo Ceyn ayaa u fariisatay dacwadda Shabakad la sheegay inay ka tirsanaayeen Ururka Al-Shabaab, kuwaas oo dilal qorsheysan ka fuliyay Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug.

Eedeysanayaasha oo gaaraya ilaa 5 Ruux ayaa Xeer ilaalinta Maxkamadda Ciidamada Puntland waxaa ay Magacyadooda ku kala sheegtay, Feysal Axmed Bashiir, Sahal Cabdullaahi Jaamac, Idiris Maxamed Afyare, Salman Maxamuud saleemaan, iyo Jaamac Muruudi Xuseen Maxamed.

Xeer ilaalinta Maxkamadda Dajada 1aad ee Ciidamada Qalabka sida ee Gobolada Mudug iyo Ceyn waxaa ay Maxkamadda ku eedeysay inay ka tirsan yihiin Al-Shabaab, sidoo kalena ay dhamaantood ka dambeeyeen dilal mas’uuliyiin iyo askar loogu geystay Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo.

Guddoomiyaha Maxkamadda Dajada 1aad ee Ciidamada Qalabka sida ee Gobolada Mudug iyo Ceyn  Gaashaanle Sare Cabdullahi Cabdi Shire ayaa sheegay in Maanta Go’an ay ka gari doonto Maxkamadda Shanta eedeysane ee loo heysto dilal ka dhacay Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo laga soo bilaabo sanadkii 2008-dii.

Ad
Previous articleSanbaloolshe oo ka hadlay in uu taageeray Madaxweyne Farmaajo
Next articleHoobiyaal Maanta Lagu garaacay Xaafado ka ag dhaw Madaxtooyada {Sawiro}

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here