Home Wararka Somaliya Hoobiyaal Maanta Lagu garaacay Xaafado ka ag dhaw Madaxtooyada {Sawiro}

Hoobiyaal Maanta Lagu garaacay Xaafado ka ag dhaw Madaxtooyada {Sawiro}

0

Khasaaro dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay tiro hoobiyeyal ah oo Maana ku soo dhacay Xaafado ka tirsan degmooyinka Boondheere iyo Wartanabada ee Gobolka Banaadir, kuwaas oo jugtooda laga maqlay degmooyinka Muqdisho.

Hoobiyeyaasha oo ahaa ku dhawaad lix ayaa waxaa ay ku dhaceen guryo ku yaalla suuqii hore ee degmada Wartanabadda, safaaradda Jarmalka, kuwas oo ku yaal  dhabarka dambe ee Madaxtooyada Soomaaliya iyo kaam ku yaal agagaarka Godka Jilacow oo u dhow taalada Daljirka Daahsoon ee degmada Boondheere.

Laba hoobiye oo ku dhacay Guryo ku yaal Wartanabadda ayaa waxa ku dhintay laba ruux oo kala ahaa Wiil & Gabar galka Hoobiye ku dhacay agagaarka Godka Jilacoow uu ku dhintay Nin lagu Magacaabi jiray Cabdi Colow, waxaana khasaaraha uu gaarayaa ilaa Saddex Ruux oo dhimasho ah iyo Afar dhaawac ah oo Carruur u badan.

Laamaha Ammaanka dowladda Soomaaliya iyo Maamulada degmooyinka Wartanabadda iyo Boondheere weli kama hadlin  hoobiyeyaasha kusoo dhacay xaafado ka tirsan degmooyinkaas, kuwaas oo geystay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Ad
Previous articleRag ka tirsan Kooxda Shabaab oo Maxkamad lagu soo taagay maanta Gobolka Mudug
Next articleMidowga Afrika oo ka shiraya Xaalada Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here