Home Wararka Somaliya Koonfur Galbeed Rag ka Tirsan Alshaab oo la Dilay Hubna Laga Furtay

Rag ka Tirsan Alshaab oo la Dilay Hubna Laga Furtay

0

Ciidamada nabad ilaalinta u jooga Soomaaliya ee ATMIS ayaa shalay howlgal ay ka fuliyeen gobolka Shabeelaha Hoose, gaar ahaan deegaanka Baladul Amiin ku dilay xubno katirsan dagaalyahannada Al Shabaab.

War kasoo baxay taliska ciidamada ATMIS ayey ku sheegeen in howlgalka ku dileen labo dagaalame oo katirsanaa Al Shabaab ,sidoo kale kasoo furteen labo qoray ay wateen iyo rasaas tiro badan .

”Ciidamada ATMIS ayaa shalay inta ay ku guda jireen hawlahooda suggidda amniga ee deegaanka Beledamin ee gobolka Shabeellaha hoose, waxa ay dileen labo ka mid ah maleeshiyaadka Al-Shabaab, iyagoo kasoo furtay labo qori, 6 qasnadood, iyo 130 xabo oo rasaas ah” ayaa lagu yiri war kasoo baxay taliska ATMIS.

Ciidamada ATMIS ayaa mararka qaar ka sameeya howlgalo roondo ah deegaannada ay joogaan, waxa uuna howlgalkan imaanayaa xilli ciidamada dowladda iyana sheegeen in xubno katirsan Al Shabaab ku dileen gobolka Shabeelaha Hoose.

Ad
Previous articleWararkii Ugu Danbeeyey Dagaal ka Socda Laasacaanood
Next articleFadhigii Baarlamaanka Soomaliya oo Buuq Dartiis loo Xiray