Home Wararka Maanta Fadhigii Baarlamaanka Soomaliya oo Buuq Dartiis loo Xiray

Fadhigii Baarlamaanka Soomaliya oo Buuq Dartiis loo Xiray

0

Buuq iyo sawaxan badan ayaa hareeyay kulankii xildhibaannada golaha shacabka maanta ku lahaayeen xarunta golaha shacabka, waxaana daqiiqado badan hakad galay habsami u socodka kulanka xildhibaannada.

Xildhibaannada golaha shacabka ayaana kahor yimid qorshe ay isku soo raaceen guddoonka golaha shacabka iyo xukuumadda oo ahaa in wasiirada xukuumadda golaha yimaadaan si loola xisaabtamo.

Guddoomiyaha golaha shacabka ayaana xildhibaannada kahor akhriyay warqada katimid xukuumadda ee ku aadan la xisaabtanka wasiirada, waxaana kahor yimid warqadaasi xildhibaannada oo sheegay in wasiirka ay rabaan iyagu u yeeranayaan, balse aysan raali ka aheyn liis la iska soo qortay.

Xildhibaannada golaha shacabka qaarkood ayaa is hortaag ku sameeyay in wasiirka amniga su’aalo la weediiyo, waxa ayna xildhibaannada diideen in cod inta looga qaadayo mooshin golaha la horkeenay in wasiirka uu sii joogo kulanka.

Ad
Previous articleRag ka Tirsan Alshaab oo la Dilay Hubna Laga Furtay
Next articleShanbaloolshe oo ka Hadlay Xiisadii Maantay Ka Jirtay Baarlamaanka Soomaaliya

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here