Home Wararka Maanta R/W Rooble oo Xilkii ka qaaday Wasiirkii Amniga Soomaaliya Xasan Xundubey Waxuuna...

R/W Rooble oo Xilkii ka qaaday Wasiirkii Amniga Soomaaliya Xasan Xundubey Waxuuna Magacaabay Wasiir Amni

0

Ra’iisul Wasaaraha dowladda federaalka ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa goor dhaweyd ku dhawaaqay magacaabista wasiir cusub oo baddalaya wasiir xilka laga qaaday.

Rooble ayaa jagada Wasiirka Amniga Gudaha ka wareejiyay Xasan Xundubeey Jimcaale, Xilkaas ayuu Ra’iisul Wasaaruhu u magacaabay Cabdullaahi Maxamed Nuur, la wareegi doona wasaaradda Amniga Gudaha.

Afhayeenka Xukuumadda, Maxamed Ibraahim Mucallimuu, oo warkan shaaciyay ayaa sheegay Ra’iisul Wasaaruhu uu u mahad celiyay wasiirkii hore.

Lama shaacinin sababta keentay in wasiirka xilka hayay laga baddalo, Lama xaqiijinin in go’aankan uu ku yimid xil ka qaadis iyo iscasilaad midna.

Ad
Previous articleRa’isul Wasaare Rooble oo kulan la leh Saraakiil Ciidan iyo ugaaska Abgaal
Next articleBeesha Caalamka oo Warbixin ka dhagaystay Ra’isul Wasaare Rooble

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here