Home Wararka Somaliya Galmudug Qoor Qoor oo Gaaray Furimaha Dagaalka Koonfurta Mudug(Sawiro)

Qoor Qoor oo Gaaray Furimaha Dagaalka Koonfurta Mudug(Sawiro)

0

Madaxweynaha Dowladda Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye iyo wasiirka gaashaandhigga dalka Cabduqaadir Maxamed Nuur oo ay wehliyaan wasiir kuxigeenka Warfaafinta Soomaaliya Cabdiraxmaan sheikh Yusuf alcadaala iyo siyaasiga Liibaan Ahmed Xassan ayaa fadhigan oo kamid ah ruggaha furimaha hore ee koonfurta gobolka Mudug ku kor meerey cutub ka tirsan guutada 27-aad ee abuu-dujaana oo qayb ka ahaa howlgalka lagu xoreeyay deegaanno muhiim ah sida Bacaadwayne iyo Camaara.

wasiirka gaashaandhigga dalka Cabduqaadir Maxamed Nuur ayaa ciidankan u jeediyey hadalo dardaaran iyo bogaadinba leh, isagoo ku amaaney in ay furimaha kusii nagaadeen xili fasax gaaban la siiyey uruadii kale ee guutada Kala tirsanaa.

Madaxwaynaha Galmudug ahmed cabdi kaariye QoorQoor ayaa sidoo kale ciidankan ku amaaney go’aanka ay ku difaacayaan dadkooda, dalkooda, iyo diintooda.

Ad
Previous articleGanacsato aano Qabiil loogu laayay Gobalka Shabeelada Dhexe
Next articleMadaxweynaha Mareykanka Joe Biden oo wacad ku maray inay garab siin Doonaan Israel

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here