Home Wararka Maanta Ganacsato aano Qabiil loogu laayay Gobalka Shabeelada Dhexe

Ganacsato aano Qabiil loogu laayay Gobalka Shabeelada Dhexe

0

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya weerar ay xalay maleeshiyaad hubeysan ka gaysteen agagaarka magaallo xeebeedka Cadale ee gobolka Shabeelaha Dhexe, kuwaas oo loo gaystay ugu yaraan illaa saddex qof oo shacab ahaa.

Dilka ayaa waxaa lagu soo warramayaa inuu ka dhacay inta u dhexeysa deegaanada Labagaras iyo Ceel Muluq ee gobolka Shabeelaha Dhexe, sida ay innoo sheegeen ilo dadka deegaanka ah.

Marxuumiinta la dilay oo dhammaan ahaa dhalinyaro ayaa waxaa lagu kala kala magacaabi jiray Axmed Abuukar Aw-Cumar, Cali Muxyidiin Cali iyo Maxamed Cali Maxamuud, sida aaanu ku soo xignaay ehellada dadkaasi xalay lagu dilay duleedka degmada Cadale.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in ragga la laayay ay ahaayeen ganacsato kasoo jeeda deegaanka, waxaana dilkooda uu salka ku hayaa aano qabiil, sida ay innoo sheegeen ilo wareedyo lagu kalsoon yahay oo ku sugan aagga ay wax ka dhaceen.

Sidoo kale maleeshiyaadka hubeysan ee dilka gaystay ayaa lagu soo warramayaa inay goobta isaga baxsadeen, waxaana haatan socda howlgallo ay wadaan ciidanka amniga.

Ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo kasoo baxay maamulka HirShabelle, kan degmada Cadale iyo saraakiisha ciidamada dowladda oo ku aadan falkaasi argagaxa leh.

Dhacdadan ayaa sidoo kale cabsi ku beertay dadka deegaanka, maadaama ay dib usoo nooleyn karto colaaddii muddada ka taagnayd halkaas oo dhowaan uun xal laga gaaray.

Toogashada saddexdan qof ayaa kusoo aaday, ayada oo maalmo kahor deegaanka Burka Dirimeed lagu soo xiray gogol nabadeed oo ay garwadeen ka ahaayeen madaxweynihii hore ee dalka Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo madaxweynaha HirShabelle Cali Guudlaawe Xuseen, taas oo laga soo saaray go’aanno culus oo ku aadan ka hortagga colaaddaasi.

Si kastaba, horay madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo u booqday deegaankan, isaga oo ay wehlinayaan waxgaradka kasoo jeedda halkaas ayaa ku dhawaaqay in qof kastaa oo dil gaysta ama isbaara dhigta la toogto, si meesha looga saaro dhibaatada ka jirta Shabeelaha Dhexe ee saameynta ku yeelatay shacabka.
Ad
Previous articleLaftagareen oo ka Hadlay Dagaalka Galmudug Alshabaab looga Saaraayo
Next articleQoor Qoor oo Gaaray Furimaha Dagaalka Koonfurta Mudug(Sawiro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here