Home Wararka Somaliya QM oo ka hadashay Maalinta Xorriyadda Saxaafadda Adduunka

QM oo ka hadashay Maalinta Xorriyadda Saxaafadda Adduunka

0

Muqdisho, 3 Maajo 2021 – Munaasabadda Maalinta Xorriyadda Saxaafadda Adduunka awgeed, ayaa Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha-Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, James Swan, wuxuu mar kale xaqiijiyay muhiimadda uu leeyahay dabaaldeggan sannadlaha ah, maadaama uu fursad u yahay horumarinta mabaadi’da xorriyadda saxaafadda, laguna xuso saxafiyiintii naftooda ku waayey iyagoo ku guda jira gudashada waajibaadkooda shaqo.

Ergeyga Gaarka ah Swan ayaa xusay dowrka UNSOM ay ku leedahay taageerada sidii Soomaaliya ay uga jiri lahayd warbaahin firfircoon, taageeradaas oo ay ku jirto mid farsamo oo ay u fidiso saxafiyiinta. “Sanadkan, Xafiiska Hawlgalka wuxuu qorsheynayaa in uu qabato tababaro kor loogu qaadayo aqoonta/tayada 160 saxafi, waxaana ilaa iyo hadda la tababaray 45 saxafi. Aqoon-isweydaarsiyadan waxaa looga dan-leeyahay in lagu xoojiyo tayada suxufiyiinta Soomaaliyeed si ay u taageeraan xorriyadda hadalka, xuquuqdooda iyo waajibaadkooda iyo inay hagaajiyaan ka-qaybgalka haweenka ee siyaasadda.”

Saxaafad xor ah, madaxbanaan oo noocyo badan [una taagan aragtiyada kala duwan] ayaanay jirin maalin ay maanta uga muhiimsantahay awood-siinta haweenka iyo ragga Soomaaliyeed, xoojinta dowlad wanaaga iyo ku dhaqanka sharciga, hore u dhaqaajinta Ajandaha 2030 ee Horumarka Waara.

“Halkudhigga sanadkan ee ah, ‘Xogta oo Loogu Adeego Danta Guud’ wuxuu jawaab u yahay aafada dunida halakeysay ee COVOD-19, wuxuuna qirayaa in xogta oo si bilaash [lacag la’aan ah] loo gaarsiiyo loona goddoomo ay fursad u siinayso qoysaska iyo bulshadaba inay gaaraan go’aano xog’ogaalnimo ku dhisan oo ka caawinaya  joojinta faafitaanka fayraska.”

“Bishii Abriil, UNSOM waxay taageero u fidisay Isutagga Suxufiyiinta Soomaaliyeed (FESOJ) oo loo qabtay aqoon-isweydaarsi sadex maalmood ah oo aqoon-kobcin ah kaas oo lagu qabtay aaladda fogaan-aragga ayna ka faa’iideysteen saxafiyiin ka kala socday dowlad goboleedyo kaladuwan waxaana kor loogu qaadayay ololaha loo sameynayay daah-furka Tallaalka COVAX ee loogu talagalay cudurka COVID-19 ee Soomaaliya,” ayuu yiri Swan.

Ergeyga Gaarka ah Swan ayaa xusay, in kasta oo sanadkan loo dabaaldegayo sanad-guurada 30aad ee kasoo wareegtay Baaqii Windhoek ee Horumarinta Saxaafad Afrikaan oo Xor ah, Madaxa-banaan oo Noocyada Kaladuwan leh, hadana sidoo kale waa in uu noqdo mid ina xusuusinaya in xaalado badan ay jiraan oo xubnaha warbaahintu aysan weli awood u lahayn inay si buuxda u gutaan kaalintooda muhiimka ah, iyadoo qaarkood la dhibaateeyo, la weeraro, la xiro, oo xitaa la dilo.

Cahdiga Caalamiga ah ee Xuquuqda Madaniga iyo Siyaasadda, oo Soomaaliya ay qayb ka tahay, wuxuu xeerinayaa in xorriyadda hadalka ay tahay xuquuq aasaasi ah oo aadanuhu leeyahay.

Ad
Previous articleWafdiga Qadar ee Muqdisho yimid oo La kulmay Musharaxiinta (Sawiro)
Next articleErgada Dowladda Qadar ee Jooga Soomaaliya oo La shirsan Madaxda Maamul gobaleedyada dalka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here