Home Wararka Somaliya Qarax Saddexaad oo xoog badan oo goordhaw ka dhacay magaalada Baledweyne

Qarax Saddexaad oo xoog badan oo goordhaw ka dhacay magaalada Baledweyne

0

War goordhaw kusoo dhacay warqabadka Shabakadda Allbanaadir ayaa sheegaya in qarax kale oo ismiidaamin ah uu ka dhacay magaalada Baledweyne, gaar ahaan meel aan ka fogeyn xerada Lamagalaay oo saakay qaraxyo xooggan lagu weeraray.

Sida aan wararka ku helnay qaraxa goordhaw dhacay ayaa isna ah qarax ismiidaamin ah oo loo adeegsaday gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay, ayaa lagu weeraray saldhiga booliiska Baladweyne oon ka fogeyn xerada Lamagalaay

Qaraxa kaddib ayaa la maqlay rasaas xooggan oo ka dhacday aaga saldhiga, lamana oga rasaasta in ay tahay mid ay ridayaan ciidamada ammaanka ee halkaasi jooga iyo in ay tahay iska hor imaad toos ah.

Magaalada Baledweyne qaraxyadii saakay ka dhacay waxaa ku dhintay ku dhawaad 20-qof ay ku jiraan masuuliyiin katirsan maamulka Hirshabelle iyo dad kale oo shacab ah oo ka agdhawaa halka qaraxyadu ka dhaceen.

Ad
Previous articleKhilaaf iyo Loolan Awood oo u dhaxeeya Kooxaha Gangiska ee Xaafada Södertälje ee Sweden
Next articleWafdi kasocday Qaramada Midoobay oo Soo Gaaray Magaalada Gaalkacyo iyo Sababta oo la Ogaaday(Sawiro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here