Home Wararka Somaliya Jubbaland Qarax lagu Weeraray Masuul ka tirsanaa Maamulka Jubaland iyo Khasaaro Ka dhashay

Qarax lagu Weeraray Masuul ka tirsanaa Maamulka Jubaland iyo Khasaaro Ka dhashay

0

Magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose waxaa xalay ka dhacay weerar qarax loo adeegsaday oo lala bartilmaameedsaday guri uu magaaladaasi ka degnaa masuul katirsanaa maamulka Jubbaland.

Guriga qaraxa lagu weeraray ayaa la sheegay in uu degnaa nin katirsan masuuliyiin maamulka dekadda Kismaayo, waxaana qaraxan ka dhashay khasaaro xooggan oo soo gaaray qaar kamid ah qoyska ninka la doonayay in la dilo.

Laamaha ammaanka Jubbaland ayaa sheegay in qaraxa ku dhinteen Haweeneey xaamilo ah iyo Wiil ay dhashay, waxaa sidoo kale qaraxa ku dhaawacmay oo xaaladiisa lala tacaalayaa wiil 14-sano jir ahaa.

Afhayeenka Wasaaradda Amniga ee Jubbaland Jaamac Joofane ayaa sheegay in Guriga qaraxa lala beegsaday uu kuyaallo Xaafada Farjano gaar ahaan laanta Siinaay, waxa uuna xusay in dadka dhintay ay ahaayeen qoyska masuulka la weeraray.

Waxa uu sheegay afhayeenka in qaraxa kadib ciidamada ammaanka sameeyeen howlgalo lagu soo qabqabtay dad badan oo lagu tuhmayo falal ammaan daro, waxa uuna xusay in ay socdaan baaritaanadad dadka lagu tuhmayo qaraxan khasaaraha geestay.

Ad
Previous articleJubaland oo Qaramada Midoobay kala Hadashay Kuraasta Garbahaareey Taala
Next articleGuddiga Doorashooyinka oo Gaaray Baydhabo iyo Ujeedka oo La Shaaciyay(Sawiro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here