Home Wararka Somaliya Jubbaland Jubaland oo Qaramada Midoobay kala Hadashay Kuraasta Garbahaareey Taala

Jubaland oo Qaramada Midoobay kala Hadashay Kuraasta Garbahaareey Taala

0

Madaxwayne ku-xigeenka Koowaad ee Jubbaland Mudane Maxamuud Sayid Aadan, ayaa shir ku dhacay habka fogaan aragga la yeeshay ergayga gaarka ah ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay James Swan.

Kulanka oo sidoo kale qeyb ka ahaayeen guddoomiyaha Baarlamaanka Jubbaland iyo xildhibaanada lagu doortay Kismaayo qaarkood ayaa diiradda lagu saaray arrimaha la xiriira muranka ka taagan 16ka kursi ee deegaan doorashada labaad ee Jubbaland.

Madaxwayne ku-xigeenka Koowaad ee Jubbaland ayaa u sharaxay Wakiilka Qaramada Midoobay caqabadaha ka jira in doorashada 16-ka kursi ay xilligan ka dhacdo magaalada Garbahaarey oo gacanta ku hayaan maamul ka madax banaan Jubbaland.

Labada dhinac ayaa sidoo kale kawada hadlay sida looga gudbi karo caqabadaha ku horgudban dhameestirka doorashada gaar ahaan doorashada 16-ka kursi iyo sidoo xal looga gaari lahaa qabashada kuraastaasi.

Maamulka Jubbaland ayaa wali ku adkeesanaya in loo madax banaaneeyo doorashada 16-ka kursi, waxa ayna Jubbaland dalbanayaan in doorashadasai lagu qabto Ceel-Waaq ama magaalada Kismaayo.
Ad
Previous articleOdayaasha Soo Xulaaya ergada Dooranaysa Laba Kursi oo La Shaaciyay Xili Doorashada jowhar Wali Jiitamayso
Next articleQarax lagu Weeraray Masuul ka tirsanaa Maamulka Jubaland iyo Khasaaro Ka dhashay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here