Home Wararka Maanta Qarax ka dhacay xaafadda Islii ee magaalada Nairobi

Qarax ka dhacay xaafadda Islii ee magaalada Nairobi

0

Qarax Ka dhashay Haan Gaas oo Sababay Dhimasho iyo Dhaawac ayaa ka Dhacay Wadda 12ka ee Xaafada Islii ee magaalada Nairobi, waxaa sidan u xaqiijiyey saraakiisha amaanka ee degmada Kamakunji oo goobta kula hadlay saxaafadda.

Madaxa taliska booliska qaybta Bururburu, Fransis Kamau oo saxaafadda la hadlay ayaa sidan yiri: “maanta abaare sagaal saac oo galabnimo waxaa halkan ka dhacay qarax, bilowgii ma aanaa fahmin waxa sababay, balse waxaan u yeernay kooxdayada khabiirada ah, oo markii dambe sheegay in uu ka dhashay haan gaaska cuntada lagu karsado ah oo gaasku kasoo baxayey, waxaanuna ka shaki qabnaa in markii kibriidka la shiday uu qaruxu ka dhashay.”

Waxa uu taliyuhu sheegay in loo xaqiijiyey dhimashada hal qof oo la sheegay in uu meel ku dhacay isaga oo qaraxa ka baxsanaya halka saddex qof ay ku dhaawacmeen kuwaas oo isbitaalka loola cararay.

Fransis Kamau ayaa hoosta ka xariiqay in aysan jirin wararka sheegaya in qaruxu uu ka dhashay bam balse uu yahay shil ka dhashay haanta gaaska cuntada lagu karsado oo qaraxday.

Ad
Previous articleSenator Cusmaan Abuukar Dubbe oo Hadal Lagu Tilmaamay Xaqiiqada Qaraar ka Horjeediyay Aqalka sare
Next articleMadaxda milatariga Niger oo sheegay in ay maxkamadeynayaan madaxweynihii ay afgembiyeen

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here