Home Wararka Maanta Madaxda milatariga Niger oo sheegay in ay maxkamadeynayaan madaxweynihii ay afgembiyeen

Madaxda milatariga Niger oo sheegay in ay maxkamadeynayaan madaxweynihii ay afgembiyeen

0

Hogaamiyayaasha afgambiga sameeyay ee dalka Niger ayaa sheegay in ay aruuriyeen cadeymo ku filan oo lagu dacweynayo madaxweynihii xilka laga tuuray ee Mohamed Bazoum, kaas oo lagu eedeeyay khiyaano qaran.

Afhayeenkooda, Korneyl Amadou Abdramane ayaa sheegay in Maxamed Bazoum iyo dadka la socda sidoo kale lagu soo oogi karo dambiga ay ku waxyeeleeyeen ammaanka Niger.

Madaxweynihii hore iyo qoyskiisa ayaa xabsiga lagu hayay tan iyo markii militariga dalkaasi ay xukunka la wareegay dabayaaqadii bishii Luulyo.

Urur goboleedka ECOWAS ayaa la filayaa in ay maanta kulmaan si ay u xoojiyaan wada xaajoodyada ay la yeelanayaan ciidamada milatariga ah, waxaana sidoo kale la filayaa in golaha nabadda iyo ammaanka ee Midowga Afrika ay ka wada hadlaan xiisadda.

Ad
Previous articleQarax ka dhacay xaafadda Islii ee magaalada Nairobi
Next articleXasan shiikh oo shaaciyay Maamulka Ku xiga Galmudug oo Uu Dagi Doono Si uu Alshabaab uga Saaro

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here