Home Wararka Maanta Qarax goor dhow lagu burburiyey Buundadii degmada Buulo Burde (Sawirro)

Qarax goor dhow lagu burburiyey Buundadii degmada Buulo Burde (Sawirro)

0

Buundada qeybo ka mid ah ayaa go’aday, waxaana adag in wax gaadiid ah ay isticmaalaan sida ay muujinayaan Sawiro laga soo qaaday halka uu qaraxa ka dhacay, waxaa sidoo kale jira dad dhimasho iyo dhaawac ku noqday qaraxa.

Ciidamada ammaanka degmada Buulo-Burde iyo mas’uuliyiin ayaa tegay halka uu qaraxa ka dhacay, waxaana sidoo kale buundada dusheeda yaalla gaari qaraxa ku burburay.

“Argagaxisada Khawaarijta ah ayaa qarax ku bartilmaameedsaday buundada degmada Buula Burte. Waa buundada ugu muhiimsan ee isku xirta gobolada dhexe ee dalka iyo Caasimadda Muqdisho. Waa caddow jabay oo naf lacaari ah” ayuu yiri Xildhibaan Maxamed Ibraahim Macalimu oo ka tirsan Golaha shacabka Somalia.

Ad
Previous articleDeeq Laga Raray Guriceel iyo Dhuusamareeb oo lagaarsiiyay Gobalka Hiiraan(Sawiro)
Next articleWAR DEG DEG: Qarax ka dhacay degmada Jalalaqsi & Masuuliyiin ku dhaawacmay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here