Home Wararka Maanta Qarax Culus oo Lagu Dilay Gudoomiyihii Marka Cabdullaahi Cali Waafow

Qarax Culus oo Lagu Dilay Gudoomiyihii Marka Cabdullaahi Cali Waafow

0

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya qarax goor dhowr ka dhacay gudaha magaallo xeebeedka Marka, kaas oo lagu dilay guddoomiyihii degmadaasi, Cabdullaahi Cali Waafow, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo wareedyo lagu kalsoon yahay.

Qaraxa ayaa waxaa lagu soo warramayaa inuu ahaa is-miidaamin, waxaana lala beegsaday goob uu ku sugnaa guddoomiyaha, waxaana sidoo kale jira khasaare intaasi kasii badan.

Xaaladda goobta uu qaraxu ka dhacay ayaa weli aad u kacsan, waxaana isku geedaamay ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka Soomaaliya.

Ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha ammaanka iyo maamulka gobolka oo ku aadan qaraxaasi lagu dilay guddoomiye Waafow.

 

 

Ad
Previous articleMuqdisho Guri Lagu diyaarinaysaa Qarax oo Jug Culus ay ka dhacday
Next articleBoliiska Soomaaliya oo sheegay in ciyaal weerada Muqdisho ay isku badaleen gaangiistaro

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here