Home Wararka Somaliya Koonfur Galbeed Qarax Culus oo Ka Dhacay Degmada Afgooye iyo Sarkaal Sare oo ku...

Qarax Culus oo Ka Dhacay Degmada Afgooye iyo Sarkaal Sare oo ku Dhintay

0

Qaraxa oo ahaa miino ayaa waxaa lagu soo warramayaa inuu ka dhacay agagaarka halka loo yaqaano Baar Ismaaciil oo ka tirsan degmada Afgooye.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxa lala beegsaday baabuur uu watay taliyaha rugta tadaamun ee Booliska Soomaaliya, Cabdi Madoobe, sida ay xaqiijiteen goobjoogayaal.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi kusii daraya in sarkaalka qaraxa lal eegtay uu geeriyooday, waxaana sidoo kale jira dhimasho iyo dhaawac kale.

Xaaladda goobta ayaa ah mid kacsan, waxaana gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka oo baaritaano kooban ka sameeyey halkaasi.

Ma jiro weli wax faahfaahin ah oo kasoo baxay maamulka degmada iyo saraakiisha laamaha oo ku aadan dhacdadaasi.

Afgooye ayaa waxaa inta badan ka dhacay weerar toos, qaraxyo iyo dilal qorsheysan oo ay magaaladaas ka fuliyaan dagaalyahannada kooxda Al-Shabaab.

 

 

Ad
Previous articleCiidamada Amniga oo howlagalkii ugu Horeeyey Xalay kuso Qabtay hubkii ugu badnaa iyo raggii Watay
Next articleRa’isul Wasaare Xamze oo la Kulmay Safiirka Dowladda Sacuudiga (Sawiro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here