Home Wararka Maanta Ciidamada Amniga oo howlagalkii ugu Horeeyey Xalay kuso Qabtay hubkii ugu badnaa...

Ciidamada Amniga oo howlagalkii ugu Horeeyey Xalay kuso Qabtay hubkii ugu badnaa iyo raggii Watay

0

Ciidamada ammaanka ee dowladda Soomaaliya oo fulinaya amarkii shalay kasoo baxay taliska Booliska Soomaaliyeed ayaa xalay howlgallo ballaaran oo lagu xaqiijinayo ammaanka guud ka sameeyey gudaha magaalada Muqdisho.

Howlgallada oo ahaa kuwa qorsheysan ayaa waxaa iska kaashaday Booliska iyo Nabad Sugidda, waxaana laga sameeyey degmooyinka qaar ee gobolka Banaadir, sida Waaberi, Hodan iyo Dharkeenley oo ka mid ah meelaha ay ka dhacaan falalka amni darrada ah.

Afhayeenka Booliska Soomaaliya, Cabdifitaax Aadan Xasan oo ka warbixiyey howlgalladaan ayaa xaqiijiyey in lagu soo qabtay maandooriye, hubkii ugu badnaa iyo raggii watay.

“Ciidanka Booliska Soomaaliyeed wuxuu gacanta kusoo dhigay waxyaabaha maanka dooriyaha oo aas-aas u ah amni darrada, sidoo kale waxaa lasoo qabtay intii lagu guda jiray howlgalka hub si sharci darro ah loogu watay magaalada oo aan ka diiwaangashaneen laamaha amniga iyo dad hub sita oo aan aheyn askar,” ayuu yiri Cabdifutaax Aadan Xasan.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in howlgalladu ay sii socon doonaan ciidamada ammaankana ay u taagan yihiin u adeegida shacabka Soomaaliyeed.

“Waxaana bulshada Soomaaliyeed inaan u caddeyno ciidanka Booliska iyo laamaha amniga oo iskaashanaya waxay har iyo habeen u taagan yihiin laamiyada in loo adeego bulshada”.

Dhinaca kale wuxuu ka hadlay kooxaha ciyaal weerarada ee dhibaatada ku haya xaafadaha magaalada Muqdisho, wuxuuna tilmaamay inay isku beddeleen gaangiistaro dadka dila, isaga oo ku goodiyey inay ka qaadi doonaan tallaabo adag oo sharciga waafaqsan.

“Ciyaal weero micnahoodii wuxuu ahaa asalkoodii ciyaal xaafad ka kacay, laakiin hadda waxay isku beddeleen gaangis dad qalato ah, mana aqbali doono hooyo Soomaaliyeed iyo aabe Soomaaliyeed oo daba ordaya shaqsi soo qaatay baangadaha lagu qalo xayawaanada xittaa ayaan oran karaa oo xoolaha ay dadka cunaan ka baxsan”. ayuu yiri afhayeenku

Amniga Muqdisho ayaa maalmahaan faraha kasii baxayey, waxaana soo kordhay rag hubeysan oo dhac geysanaya, iyada oona xaaladdu ay gaartay meeshii ugu darneyd.

 

 

 

Ad
Previous articleMadaxweyne Xasan Shiikh oo Booqday DugsigaTababarka Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed Ee Magalada Sparta Ee Dalka Turkiga(Sawiro)
Next articleQarax Culus oo Ka Dhacay Degmada Afgooye iyo Sarkaal Sare oo ku Dhintay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here