Home Wararka Caalamka Qaramada Midoobey oo shaacisay inay Korortay Xadgudubyada Caruurta lagu Haayo Soomaaliya iyo...

Qaramada Midoobey oo shaacisay inay Korortay Xadgudubyada Caruurta lagu Haayo Soomaaliya iyo Wadama Kale

0

Warbixin cusub oo ay soo saartay Qaramada Midoobay, ayaa lagu sheegay in xadgudubyada lagula kaco carruurta ku nool wadamo ay Soomaaliya kamid tahay, ay yihiin kuwo si aad ah looga argagaxo.

Warbixintan oo sanadle ah oo la sii daayay Isniintii shalay, ayuu UN-ku ku sheegay in ugu yaraan 19,379 carruur ah ay dhibanayaal u noqdeen xadgudubyo waaweyn oo isugu jira askarayn iyo kufsi.

“Iska horimaadyada hubeysan iyo tixgalin la’aanta sharciga caalamiga ah ee bini’aadamnimada iyo sharciga caalamiga ee xuquuqda aadanaha ayaa saameyn ba’an ku yeeshay ilaalinta carruurta, ”ayaa lagu yiri warbixinta.

Sida lagu sheegay warbixinta, tirada ugu badan ee xadgudubyada halista ah waxaa laga diiwaan galiyay Afghanistan, Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Congo (DRC), Soomaaliya, Suuriya, iyo Yemen.

In ka badan 8,400 oo carruur ah ayaa lagu diley ama lagu dhaawacay dagaallada socda waddamadan. Ku dhowaad 7,000 oo kale ayaa loo qorey askarayn dalalka DRC, Soomaaliya, Suuriya, iyo Myanmar.

UN-ka ayaa sheegay in cudurka coronavirus uu sii xumeeyey nuglaanta oo ay ka mid tahay caqabad ku noqoshada helitaankooda waxbarasho, caafimaad iyo adeegyada bulshada

Wararkii Ugu Danbeeyay Dagaalka ka Socda Dalka Suuriya

Mid ka mid ah kormeerayaasha dagaalka Suuriya ayaa sheegay in iska hor imaad labo maalmood socday oo u dhaxeeyay ciidamada ammaanka Suuriya iyo rag hubeysan oo daacad u ah madaxweynihii

Dowlada oo Ciidan Dheeri ah u dirtay Gobolka Shabeellaha Dhexe

Dowladda Fedaraalka Soomaaliya ayaa deegaanka Cadaan Laxeey oo ka tirsan gobolka Shabeellaha Dhexe geysay ciidamo dheeraad ah oo ka qeyb qaadanaya howlgalada ka dhanka ah kooxda Al-shabaab. Deegaankaan ciidamada dheeraad

Shirkadda Dayaaradaha ee Turkish Airlines oo hakisay Duulimaadyadii Muqdisho

Shirkadda dayaaradaha ee Turkish Airlines ayaa hakisay duullimaadyadeeedi caalamiga ee ay ku imaanaysay magaalada muqdisho muddo maalmo ah. Ma cadda sababta ay shirkaddu u joojisay duullimaadyadeeda, hase yeeshee wararku waxay

Khudbadii Madaxweyne Donald Trump ee aqalka Congreska iyo Waxyaabihii uu kaga hadlay

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa khudbaddiisii ugu horreysay ee Congress-ka xilligii labaad ee madaxweynaha ku bilaabay isagoo ku dhawaaqay, “Ameerika way soo laabatay.” “Lix toddobaad ka hor, waxaan hor istaagay

Dagaal qaraar oo saakay ka dhacay Bariga Gobalka Mudug iyo Khasaaro ba’an oo ka dhashay

Dagaal aad u culus ayaa saakay goor hore ka qarxay Duleedka degmada Afbarwaaqo gaar ahaan degaanka Buq qalooc Dagaalkaan ayaa dhexmaray lama maleeshiyo beelood oo kasoo kala jeeda Maamulada Galmudug
Ad
Previous articleKoox Hubeysan oo Degmada Kaaraan ku dilay Haweenay Maamulka ka Tirsaneed
Next articleGudoomiyaha aqalka sare oo digniin ka soo saaray in Lagu Tunto Sharciga Dastuurka