Home Wararka Maanta Qaramada Midoobay oo Warkasoo Saartay Weeraradii Xalane iyo Baladweyne

Qaramada Midoobay oo Warkasoo Saartay Weeraradii Xalane iyo Baladweyne

0

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa si kulul u cambaareeyay kooxihii ka dambeeyay qaraxii Beledweyne iyo weerarkii lala beegsaday garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho.

Xubnaha Golaha ayaa muujiyay sida uu uga xun yahay falalkaasi oo ay ku sifeeyeen iney ahaayeen kuwo waxashnimo ah oo ay geysteen kooxo nabad-diid ah oo aan u tureyn dadka iyo dalka.

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, waxay ku baaqeen in caddaaladda la horkeeno dembiilayaasha ka dambeeyay abaabulka weeraradaasi.

“Xubnaha Golaha Ammaanka ayaa hoosta ka xarriiqay in loo baahan yahay in lala xisaabtamo dembiilayaasha, abaabulayaasha, iyo maalgeliyayaasha falalkaas argagixisada ah, lana horkeeno sharciga” ayaa lagu yiri bayaanka Golaha Ammaanka.

Golaha Ammaanka ayaa sidoo kale ku boorriyeen dhammaan Dowlad-goboleedyada, ‘si waafaqsan waajibaadka ka saaran sharciga caalamiga ah iyo go’aannada Golaha Ammaanka ee khuseeya’ inay si firfircoon ay ula shaqeeyaan dowladda federaalka ah ee Soomaaliya iyo dhammaan hay’adaha kale ee ay khusayso arrintan.

Weerarkii ka dhacay garoonka Aadan cadde qeybta Afisiyooni ayaa waxaa lagu dilay 6 qof oo ajnabi ah kuwaasoo ay ku jireen askari ka tirsan AMISOM iyo saraakiil tababareyaal ah.

Sidoo kale qaraxyo ismiidaamin ah oo ka dhacay magaalada beladweyne habeen ka hor ayaa waxaa ku naf waayey dad 50 ka badan oo ay ku jireen xildhibaano hore, halka 108 kale ay ku dhaawacmeen

Ad
Previous articleAbiya Axmed oo Xabad joojin Degdeg ah Ku Dhawaaqa iyo Sababta oo la Shaaciyay
Next articleDowlada soomaaliya oo Maantay Ciidamo u Daad Guraysay Magaalo Alshabaab Go’Doomiyeen(Sawiro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here