Home Wararka Caalamka Abiya Axmed oo Xabad joojin Degdeg ah Ku Dhawaaqa iyo Sababta oo...

Abiya Axmed oo Xabad joojin Degdeg ah Ku Dhawaaqa iyo Sababta oo la Shaaciyay

0

Dowladda Itoobiya ayaa ku dhawaaqday xabbad joojin bini’aadantinimo ka dib 16 bilood oo ay dagaal ay kula jirtay ciidamada ka soo jeeda waqooyiga gobolka Tigray.

Dagaalka sokeeye ayaa sababay in in ka badan shan milyan oo qof ay u baahdaan cunto gargaar ah, ilaa haatan ma jirto wax cunto ah oo la gaari siiyay Tigrayga tan iyo bartamihii bishii December.

Warkan ayaa daba socda booqasho uu dalka Itoobiya ku tagay ergayga gaarka ah ee Maraykanka u qaabilsan Geeska Afrika David Satterfield.

Ciidamada Tigreega ayaan wali wax jawaab ah ka bixin talaabada ay qaadday dowlada.

Madaxa hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO Tedros Adhanom Ghebreyesus oo ka soo jeeda gobolka Tigray ayaa ku tilmaamay xaaladda halkaas ka jirta inay tahay mid masiibo ah, wuxuuna ku eedeeyay dowladda Itoobiya inay ka hor istaagtay gargaarkii loo baahnaa.

Itoobiya ayaa ku eedaysay kooxda TPLF inay joojisay sahaydii la gaarsiin lahaa dadka tabaaleysan.

 

Wararka ka imaanaya gobolka Tigreega ayaa sheegaya in dadka ay u dhimanayaan gaajo iyo dawo la’aan.

Bishii Janaayo, Hay’adda Cunnada Adduunka ayaa sheegtay in ku dhawaad ​​40% dadka Tigrayga ah ay la ildaran yihiin waxa ay ugu yeertay “cunto la’aan aad u daran”. Waxa kale oo la ogaaday in kala bar dhammaan dumarka uurka leh iyo kuwa naaska nuujiya ay hayso nafaqo darro.

Warbixin ay soo saartay Khamiistii, ayay dowladdu ku sheegtay in xabbad joojintu ay tahay “mid aan la cayimin” oo ” isla markiiba dhaqan galaysa “, balse waxay intaas ku dartay inay hagaajin doonto nolosha dadka ku nool waqooyiga dalka haddii tallaabadaas laga jawaabo.

Waxay ugu baaqday ciidamada Tigreega inay “joojiyaan daan-daansiga ah oo ay ka baxaan meelaha ay qabsadeen gaar ahaanna gobollada deriska la ah”.

Dagaalka ayaa waxa uu qarxay bishii Noofambar ee sannadkii 2020 ka dib bilo ay jirtay xiisad u dhaxaysay maamulka federaalka iyo kooxda TPLF, oo xukuntay gobolka Tigray

Ad
Previous articleKuriyada woqooyi oo Tijaabisay Gantaal Gaaraaya Guduha Maraykanka iyo Maraykanka oo Ka Naxay
Next articleQaramada Midoobay oo Warkasoo Saartay Weeraradii Xalane iyo Baladweyne

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here