Home Wararka Maanta Qaramada Midoobay oo Ka Hadashay Guusha Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud Farmaajana Amaantay

Qaramada Midoobay oo Ka Hadashay Guusha Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud Farmaajana Amaantay

0

Qoraal kasoo baxay Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa hambalyo loogu diray Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ku guuleestay doorasho xalay ka dhacday Muqdisho.

Qaramada Midoobay ayaa ballanqaaday in Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya kala shaqeenayaan isaga iyo kooxdiisa si loo horumariyo arrimaha mudnaanta qaranka leh, sida nabadda, amniga iyo xasilloonida, sanadaha soo socda.

Qoraalka kasoo baxay Qaramada Midoobay ayaa sidoo kale lagu bogaadiyay sida madaxweynaha xilka ka degaya ee Farmaajo u aqbalay natiijada doorashada looga adkaaday isla markaana u ballanqaaday madaxweynaha cusub in uu la shaqeenayo.

”Qaramada Midoobay waxa ay bogaadinaysaa Madaxweynaha xilka kasii dagaya Maxamed Cabdullaahi Maxamed ‘Farmaajo’ sida uu u ixtiraamay dhaqanka Soomaaliyeed ee ah in uu si deg deg ah u aqbalo natiijada doorashada, isla markaana uu u ballan qaado in uu garab istaagi doono Madaxweynaha bedelay” ayaa lagu yiri qoraalka Qaramada Midoobay.

Sidoo kale, Qaramada Midoobay ayaa ku ammaantay guddoomiyeyaasha labada Aqal a iyo ku-xigeennadooda, guddiga qaban-qaabada doorashada madaxweynaha iyo hawl-wadeennada xirfadlayaasha ah ee baarlamaanka, iyo sidoo kale ciidamada ammaanka Soomaaliya iyo kuwa Midowga Afrika ee (ATMIS), sida ay u xaqiijiyeen in doorashadii Axadda ay u dhacdo si habsami leh, nabad iyo ammaan ah, taas oo natiijadeeda si buuxda loo aqbalay.

Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu wadaa in dhawwaan si degdeg ah ula wareego xilka si uu u guto waajibaadkiisa shaqo ugana shaqeeyo sidii uu usoo dhisi lahaa xukuumad cusub.

Dowlada Mareykanka oo Sabab u Noqotay Xil ka badelka lagu Sameeyay Wasiirka Gaashaandhigga

Ra’isul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xamse Cabdi Barre, ayaa isku shaandheyn iyo is beddel ku sameeyay qaar kamid ah golihiisa Wasiiradda, waxa uuna xilka ka qaaday kana saaray meesha labo Wasiir,

Raisal Wasaare Xamze oo Magacaabay Wasiiro Cusub Kadib Isku Shaadheyn uu Sameeyay

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Hamze Abdi Barre ayaa maanta magacaabay xubnahan cusub ee Wasiirrada ee Xukuumadda JFS ee kala ah: 1. Md. Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi –

Kooxda Xisbullah oo weerar khasaaro geesatay ka fulisay gudaha Suuriya

Dagaallamayaal katirsan ururka Shiicada ee Xisbullaah , ayaa lagu soo waramayaa in gudaha u galeen qeybo kamid ah dalka Suuriya, waxa ayna kooxdan weerar ku qaadeen goob ay joogeen ciidamo

Meydka Nin la weysanaa Mudo oo laga helay hotel ku yaalla Muqdisho

Nin muddo labo Maalin ah la weysanaa ayaa Meydkiisa laga helay qol uu ka deganaa Hotelka Mansoor oo ku yaalla Nawaaxiga Isgoyska Dabka ee magaalada Muqdisho. Marxuumka ayaa lagu sheegay

Madaxweynaha Turkiga oo Saddex Qodob kala hadlay dhigiisa Mareykanka Trump

Madaxweynayaasha dalalka Mareykanka iyo Turkiga ayaa yeeshay wadahal dhinaca telfoonka ah, waxa ayna labada masuul kawada hadleen arrimo dhowr ah oo ay ugu horreeyaan xoojinta xiriirka labada dal ka dhaxeeya
Ad
Previous articlebeerlayda Khaadka Kenya oo Hambalyo U diray Xasan Shiikh Maxamuud kuna Farxay in Farmaajo laga adkaado
Next articleIlhaan Cumar oo ka hadashay guusha Xasan Sheekh Maxamuud