Home Wararka Maanta Qaarka Mid ah Ehalada Sayid Cali Macalin Daaud oo Xabsiga Lagu Guray

Qaarka Mid ah Ehalada Sayid Cali Macalin Daaud oo Xabsiga Lagu Guray

0

Ciidamada booliiska qeybta gobolka Banaadir ayaa maanta xabsiga dhigay nin dhallinyaro ah oo lagu magacaabo Liiban Khaliif Abtidoon, kaa oo maalmo kahor magaalada Muqdisho kaga dhawaaqay hadallo kicin dadweyne ah.

Wiilkan oo kamid ah qaraabada ninkii gubay xaaskiisa ee Sayidcali Macalin Daa’uud oo maalmo kahor ka hadlay bannaan-bax lagu dalbanayay in Sayidcali aan la dilin ayaa sheegay in dowladda ridayaan haddii wiilkooda la dilo.

War kasoo baxay taliska booliiska gobolka Banaadir ayaa lagu sheegay in ninkan la xiray uu ku eedeysan yahay fal liddi ku ah amniga guud iyo kicin bulsho, waxa ayna dadka shacabka ah uga digeen booliiska hadalada kicinta iyo rabshado abuurka ah.

Xarriga ninkan dhallinyarada ah ayaa imaanaya xilli shalay magaalada Muqdisho sidoo kale lagu xir xiray dhallinyaro u badan kuwa Tiktok isticmaala, kuwaa oo iska horkeen bulsho iyo qabyaalad abuur ka waday caasimadda Muqdisho.

Gudoomiyaha Barlamaanka oo diiday Mooshin xil ka qaadista xildhibaan Abiib

Kulankii Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee maanta qabsoomay ayaa kusoo dhammaaday buuq iyo natiijo la’aan, kaddib markii xildhibaanno kasoo horjeeda go’aankii xubinnimada looga qaaday Xildhibaan Cabdullaahi Xaashi Abiib ay horgeeyeen mooshin

Dagaalyahano ka tirsan Kooxda Shabaab oo buux Dhaafiyay Miiga Magaalada Baydhabo o

Maleeshiyaad aad u hubeysan oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa maanta mar kale lagu arkay miyiga ku xeeran magaalada Baydhabo ee gobolka Bay sida ay sheegayaan dadka deegaanka iyo qaar

Puntland oo sheegtay in Togga Miiraale ay ka Sifeesay Kooxda Daacish

Ciidamada  Puntland ayaa shalay hawlgal ballaaran ka fuliyey dooxada Miraale, halkaas oo ay ku dileen dagaalamaayal ka tirsan kooxda Daacish oo halkaas ku dhuumaalaysanayey muddo dheer. War kooban oo kasoo

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay
Ad
Previous articleIsraa’iil oo ka hadashay shilka diyaaradeed ee uu ku geeriyooday madaxweynihii Iran
Next articleWasiirkii hore arrimaha dibadda Iran ayaa sheegay in cunaqabteynta Mareykanka ay keentay shilka madaxweyne Ra’iisi