Home Wararka Somaliya Qaar kamid ah Madaxda dowlad Goboleedyada & Midowga Musharixiinta oo kulmay

Qaar kamid ah Madaxda dowlad Goboleedyada & Midowga Musharixiinta oo kulmay

0

Magaalada Muqdisho waxaa weli ka socda kulamo u dhaxeeya Madaxda dowlad Goboleedyada ee ka qeyb galay shirka wadatashiga Arrimaha doorashooyinka iyo qaar kamid ah xubnaha Midowga Musharixiinta Madaxweynaha.

Xalay waxaa Magaalada Muqdsho kulan ku yeeshay Madaxweynayaasha Hir-Shabeelle Iyo Koonfur Galbeed iyo qaar kamid ah Midowga Musharixiinta oo uu horkacayay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ahna Guddooomiyaha Midowga Musharixiinta Shariif Sheekh Axmed.

Kulanka ayaa dhinacyada waxaa ay uga wada hadleen  xal u helida arrimaha doorashooyinka iyo sidii madasha xisbiyada ay u taageeri lahaayeen shirka looga arrinsanayo arrimaha doorashooyinka ee ka socda Teendhada Afisiyooni ee Magaalada Muqdisho.

Sheekh Shariif Sheekh Axmed Madaxweynihii hore ee Soomaliya ayaa sheegay in Madaxda Maamul goboleedyada ay la kulmeen ay u xaqiijiyeen in ay ka  go’an tahay ka qaybqaadashada heshiis wadar oggol ah oo laga gaaro arrimaha doorashooyinka Qaranka si dalka looga badbaadiyo qalalaase siyaasadeed oo hor leh.

Kulamada looga hadlayo Arrimaha doorashooyinka ayaa maalmaha so socda kasii soson doona Magaalada Muqdisho, iyada oo Madaxda dowlad Goboleedyada iyo Midowga Musharixiinta ay sameeyeen xoogaa isku soo dhawaansho ah.

Ad
Previous articleMeydkiisa oo la helay Ganacsade lagu weysanaa Magaalada Nairobi ee Kenya
Next articleShirka Arimaha Doorashada oo Maalintii labaad galay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here