Home Wararka Somaliya Meydkiisa oo la helay Ganacsade lagu weysanaa Magaalada Nairobi ee Kenya

Meydkiisa oo la helay Ganacsade lagu weysanaa Magaalada Nairobi ee Kenya

0

Meydka Marxuum Bashiir Maxamuud Gaboobe oo ahaa ganacsade Soomaali-Mareykan ah todobadyadii las oo dhaafayna la weeysnaa ayaa waxaa laga helay meel 18-KM u jirta Magaalada Nairobi ee Caasimadda dalka Kenya kadib baadi-goob ay sameeyeen Ciidamada Booliska.

Marxuum Bashiir ayaa la’laa ilaa iyo Maalintii Ciida oo ahayd Khamiis May 13, 2021., waxaana markii cid ugu war dambeeysay la arkay 13-kii bishan May, markaas oo kaamiradaha wax duuba laga arkay isaga oo xilli maqribadii ah ka sii baxaya maqaayad lagu magacaabo Miale.

Wararka ayaa sheegaya in Gaari uu watay oo ahaa nooca Range Rove laga helay, isaga oo la gubay nawaaxiga degaanka Kibiku, taas oo dhalisay tuhunka ah in la dilay balse ugu dambeyn meydkiisa la helay.

Bashiir oo Ganacsade ahaa ayaa labadii sano ee ugu dambeysay ku sugnaa Kenya, isagoo hadba safar aadayay kaddibna imaanayay Kenya , hayeeshee musiibadaan deg dega ah ay qabsatay.

Taliyaha booliiska xaafadda Kabete ee magaalada Nairobi, Francis Wahome, ayaa u sheegay warbaahinta maxalliga ah in ay su’aalo weydiiyeen dhowr qof oo markii ugu dambeysay xiriir la sameeyay ganacsadahan injineerka ah.

Soomalida ku nool Magaalada Nairobi ayaa qaarkood waxaa soo wajahay walwal dhinaca Amniga ah maadaama la dilay in Ganacsade Soomaali Mareykan ahaa, xilli uun ku guda jiray howlihiisii caadiga ahaa.

Ad
Previous articleMidowga Afrika oo sheegay in uu ka xun yahay diidmadii Soomaaliya ee Ergayga
Next articleQaar kamid ah Madaxda dowlad Goboleedyada & Midowga Musharixiinta oo kulmay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here