Home Wararka Maanta Qaar ka Mid ah Wadamada Carabta oo Hanjabaad Culus u Diray Israail

Qaar ka Mid ah Wadamada Carabta oo Hanjabaad Culus u Diray Israail

0

Madaxweynaha Masar Abdel-Fattah el-Sisi ayaa la kulmay Boqor Cabdallaha labaad ee dalka Urdun iyagoo ka wadahadlay xiisadda sii xumaanaysa iyo xaaladda bini’aadantinimo ee ka taagan Gaza oo Israel ay iskugu dartay duqeyn, xasuuq iyo go’doomin.

Labada hoggaamiye ayaa cambaareeyay siyaasadda Israa’iil ee “ciqaab wadareed” ee ka dhanka ah Falastiiniyiinta Gaza iyo dadaalka ay ku doonayso inay kaga barakiciso dhulkood sida uu sheegay xafiiska madaxtooyada Masar oo bayaan soo saaray

Labada waddan xiriir diblomaasiyadeed la leh Israa’iil ayaa waxay muujiyeen cabsi ku saabsan in Falastiiniyiinta si joogto ah dalalkooda loogu eryo, iyagoo ka walaacsan inay meesha ka saarto dal madax banaan oo ay mustaqbalka yeelato Falastiin, iyagoo Israel uga digay in  duqeymaha ay wado ay sababi karaan xaalada gobolka oo ka sii darta.

Dhinaca kale, Madaxweynaha Masar Abdel Fattah el-Sissi ayaa magaalada Qaahira kula kulmay Gen. Michael Kurilla oo ah madaxa taliska dhexe ee ciidamada Mareykanka si ay uga wadahadlaan dadaallada lagu xoojinayo iskaashiga labada dal iyo sidii loo “soo celin lahaa xasilloonida gobolka.

Masar waxay muddo dheer ka shaqaynaysay sidii ay u dhexdhexaadin laheyd Israa’iil iyo Xamaas. Arbacadii, Masar iyo Israa’iil waxay gaareen heshiis u oggolaanaya in gargaarka la soo galiyo dhulka Falastiin.

Sidoo kale Khamiista, Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar Sameh Shoukry ayaa magaalada Qaahira kula kulmay dhiggiisa UK James Cleverly, iyagoo ka wada hadlay sidii loo qaboojin lahaa colaadda, waxna looga qaban lahaa xaaladaha bini’aadantinimo ee Gaza.

Ad
Previous articleCiidamada Dowlada oo Baabiiyay Saldhig Alshabaab ku Lahaayeen…
Next articleMaraykanka: Duullaan dhulka ah oo Israel ku qaado Gaza wuxuu si degdeg ah isugu badali karaa xaaladii ciidamadeena ku qabsatay Muqdisho

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here