Home Wararka Maanta Ciidamada Dowlada oo Baabiiyay Saldhig Alshabaab ku Lahaayeen…

Ciidamada Dowlada oo Baabiiyay Saldhig Alshabaab ku Lahaayeen…

0

Wararka ka imaanaya gobolka Bakool ayaa sheegaya in maanta ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya kuwa daraawiishta Koonfur Galbeed ay howlgallo culus ka sameeyeen gobolkaas oo ay ku xoogan yihiin Al-Shabaab.

Ciidamada huwanta ayaa howlgalladan si gaar ah uga fuliyay agagaarka degmada Tiyeeglow, ayaga oo bartimaameesaday deegaano ay joogeen xubnaha Al-Shabaab.

Deegaanada ay gaareen ciidamada ayaa waxaa kamid ah Ceel Garas, Dudumal, Waraabe iyo Moorahagar oo qiyaastii 45 KM u jira degmada Tiyeeglow ee gobolka Bakool.

Taliye ku xigeenka guutada 9-aad, qaybta 60-aad ee ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed Gaashaale Yoonis Aadan Xasan oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ujeedka howlgallladan uu ahaa inay Al-Shabaab ka saaraan dhulkaasi, ayna ku guulaysteen.

Sidoo kale waxa uu tilmaamay inay burburiyeen saldhiyo ay kooxda ku lahayd halkaas, kuwaas oo ay kasoo abaabuli jirtay weerarada ay ku beegsato ciidamada huwanta.

Yoonis Aadan Xasan oo hadalkiisa sii wata ayaa xusay inay sii wadi doonaan dhaq-dhaqaaqyada ay ka wadaan dhulkaasi, si looga sifeeyo dagaalyahannada Al-Shabaab.

Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, mana jiro wax hadal ah oo ka soo baxay dhinaca Al-Shabaab oo ku aadan howlgalladaas ay guulaha ka sheegay dowladda dhexe.

Bakool ayaa kamid ah gobollada ay ku xoogan tahay Al-Shabaab, waxaana dhawaan la filayaa inuu ka billowdo wajiga labaad ee dagaalka ka dhanka ah kooxda.

Si kastaba, madaxweyne Xasan Sheekh oo xalay ku hoyday magaalada Baydhaba ayaa kulamo ku wada magaaladaasi, kuwaas oo ku aadan dardargelinta dagaalka Al-Shabaab.

Ad
Previous articleWararkii ugu Danbeeyey Abaabul dagaal oo ka socda Garoowe
Next articleQaar ka Mid ah Wadamada Carabta oo Hanjabaad Culus u Diray Israail

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here