Home Wararka Maanta Qaar ka mid ah Magacyada Madaxda Soomaalida ee Maraykanku Xayiraada Kusoo Rogay(Aqriso)

Qaar ka mid ah Magacyada Madaxda Soomaalida ee Maraykanku Xayiraada Kusoo Rogay(Aqriso)

0

Doorashada baarlamaanka oo soo bilaabatay bishii November ayaa ah mid dadban oo ay ku lug leeyihiin odayaasha beelaha soo xulaya 275-ta xubnood ee GolaHa Shacabka, iyagoo dooran doona madaxweyne cusub waqti aan weli la cayimin.

Haddaba Mudug24 oo soo xiganeysa qaar ka mid ah diblimaasiyiinta beesha caalamka ee jooga Somalia ayaa heshay liiska shaqsiyaad la sheegay iney ku jiraan dadka maraykanku la beegsanayso xanibaada safarka ah waxaana ka mid ah:

1-Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Eng. Maxamed Xuseen Rooble

2-Madaxda Shanta maamul goboleed oo kala ah:-

-Madaxwayne Axmed Madoobe

-Madaxwayne Saciid Dani

-Madaxwayne Axmed Qoorqoor

-Madaxwayne Abdiaziz Laftagareen

-Madaxwayne Ali Guudlaawe

3- Fahad Daahir Axmed (Fahad Yaasiin) oo ah la taliyaha amniga Qaranka.

4- Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Puntland Xasan Shire Cabdi

5- Cabdullaahi Aden Kulane (Jiis)

6-Musharax Madaxwayne Abdirahman Abdishakur  Warsme

7-Musharax Madaxwayne Abdikariin Guuleed

8-Cabdiraxmaan Kulmiye Xirsi (Cabdiraxmaan Dheere) oo ka tirsan saraakiisha NISA

9-Madaxwaynihii hore ee Somalia Shiikh shariif Shikh Axmed.

Liiska waxaa laga reebay sida wararku sheegayaan  Farmaajo Xasan Cali Khayre iyo Xasan Shiikh Maxamuud oo la filayo inay kusoo baxaan Kursiga Madaxwaynaha Soomaaliya inkastoo isbedel uu ku iman karo.

Xubnaha beesha caalamka ayaa u sheegay Allbanaadir in Maraykanku ka shakisan yahay in Shiikh Shariif Shiikh Axmed lagu haysto in isaga iyo Fahad ay qorsheynayaan dhismaha dowlad islaami ah oo Maraykanku halis argagixiso uu ka dhex arkay iyadoo ay jiraan warar sheegaya in lacag labo Milyan oo dollar ah uu Fahad siiyay Shariifka doorashada bilowgeeda

Ad
Previous articleDeg deg: Turkiga oo Dhabarka Ka Jabiyay Howlgalkii Ruushku ka waday Ukrain
Next articleGudiga Xalinta Khilaafaadka Oo War Cusub kasoo Saaray Kursiga HOP045 oo Dhawaan la Hakiyay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here