Home Wararka Somaliya Qaabka uu u dhacay dilkii gudoomiyihii degmada Hodan oo la soo bandhigay

Qaabka uu u dhacay dilkii gudoomiyihii degmada Hodan oo la soo bandhigay

0

Iyada oo Maanta Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ay bilaawday dhageysiga kiiska dilkii loo geystay Guddoomiyihii Maamulka degmada Hodan Cabdikariin Dhegajuun ayaa waxaa sharaxaad dheeri ah laga bixiyay sida uu u dhacay dilkaas.

Taliyaha Saldhiga Booliska Degmada Hodan Bashiir Cabdi Siyaad oo kamid ahaa Marqaatiyaasha kiiskii dilka  AUN Dhagajuun ayaa Maxkamada ciidamada qalabka sida ka hor qiray waxa uu ogyahay dilkaas oo ay ka dambeeyeen Ciidamo ka tirsan Dowladda.

Taliyaha waxa uu sheegay in abaara saacadu markii ay aheyd 11:00 Habeenimo iyo wax la jira uu soo wacay Taliyaha Booliska degmada Howl-wadaag Shuceyb Cabdi Maxamed uuna u sheegay in ay soo galayaan gawaari sida waxyaabaha maanka dooriya, basle uu la wadaagay Taliyihii qeybta Booliska ee xilka laga qaaday Saadaq Cumar Xasan, isla markaana uu amray in dhamaan baraha Koontrool Ciidamada jooga heegan la geliyo si aysan gawaarida uga soo gudbin.

Sidoo kale Taliyaha waxaa uu hadalkiisa uu intaasi ku daray in uu u tegay Taliyihii Booliska Hodan oo uu wehlinayay Taliyaha Booliska Waaberi uuna weeydiiyay sida uu howlgalka u dhacayo, isla markaana uu u sheegay in uu hayo xog ku saabsan gawaarida maandooriyaha sida horayna howlgalkaas oo kale ay fuliyeen.

“ Taliyaha Booliska Howl-wadag wuxuu igu yiri Akhbaar fiican ayaan ka hayaa Gawaarida Maandooriyaha sida ee yaan isla wada dhafrin aniga kaligeey ayaa ku fulin, intaasi kadib aniga oo kormeer ku jira ayaan maqlay rasaasta dhaceysa, kadib wuxuu igu soo wargeliyay in gaari ay is rasaaseeyeen dibna uu u laabtay, waxaana weydiiyay in uu khasaaro jiro, wuxuuna igu yiri ma faah faahin karo, balse markii aan goobta tegay waxaan arkay dhimashada Guddoomiyihii degmada Hodan iyo dhaawac dad kale ayuu yiri” Taliyaha.

Ugu dambeyn Taliyaha Saldhiga Degmada Hodan Bashiir Cabdi Siyaad waxaa uu sheegay in Ciidamada gaariga Guddoomiyaha degmada Hodan rasaaseeyay uu kamid yahay askari ilaalo u ahaa Taliyihii Booliska degmada Hodan.

Ad
Previous articleMadaxweyne Farmaajo oo Shrikad Mareykanka ah kala hadlay Ololihiisa (Akhriso)
Next articleMaamulka Puntland oo amaro cusub ku soo rogay Masaajida

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here