Home Wararka Caalamka Putin oo qaaday tallaabo dhabar jab ku ah Erdogan

Putin oo qaaday tallaabo dhabar jab ku ah Erdogan

0

Qaraxyo xooggan ayaa laga maqlay dekad muhiiim ah oo ku taalla Ukraine, maalin uun kadib markii xukuumadaha Kyiv iyo Moscow ay gaareen heshiis muhiim ah oo dib loogu billaabayo dhoofinta qamadiga.

Diblomaasiyiin heshiiska wax ka og ayaa sheegay in Ruushka uu oggolaaday in aanu weerarri doonin maraakiibta raashinka ka qaada dekadaha Ukraine, halka Ukraine ay ballan qaaday inay maraakiibta xamuulka ka weecin doonto goobaha miinaysan.

Turkiga ayaa ku dhawaaqay heshiis u ogolaanaya Ukraine in ay dib u soo celiso dhoofinta Qamadiga iyo galleyda ee badda madow.

Jimcihii ayaa Istanbul waxaa ku saxiixay heshiiskaas Ukraine, Ruushka, Turkiga iyo Qaramada Midoobay

Dhawr qarax ayaa ka dhacay dekadda magaalada galbeedka dalkaas ku taalla ee Odessa subaxnimadii hore ee saaka ilaa haatan se ma cadda waxa dhaliyey qaraxyadaas.

Sida uu dhigayo heshiikii shalay Jimcihii la gaadhay, waxa Ruushku aqbalay in aanu beegsan dekadaha inta laga rarayo raashinka.

Qaramada Midoobay ayaa ku tilmaantay heshiiskii shalay la gaadhay rajo soo iftiintay mudo bilo ah oo colaad socotay ka dib.

Xildhibaan laga soo doorto magaalada Odessa oo la yiraahdo Oleksiy Honcharenko ayaa qoraal uu ku baahiyey baraha bulshada ku yiri: “Waxa magaalada ka dhacay lix qarax dekaddana dab baa ka kacay weerarkaa ka dib.

Wuxuu intaa ku daray in ciidanka cirka ee  Ukraine ay soo rideen dhawr gantaal oo kale sidoo kalena ay diyaaradahooda dagaalku  hawada sare ee magaalada kula dagaalamayaan kuwa Ruushka.

“Gacan heshiiska ayay ku saxiixeen halka gacanta kalana ay ay gantaallada ku soo ridayaan,” ayuu yidhi isaga oo Ruushka farta ku fiiqaya, waxaanu raaciyey waxaanu u baahannahay diyaarado dagaal iyo in gebi ahaan ba ciidamada “badda Ruushka ee saldhigoodu yahay Black Sea la baabiiyo, taas ayaa ah sida keliya ee ugu fiican ee raashinka loo dhoofin karo.”

Jimcihii ayaa saraakiil ka socota Ukraine iyo Ruushku waxay saxiixeen heshii ogolaanaya in malaayiin tan oo cunto ah oo ku xayiran dekadaha Ukraine la dhoofiyo.

Heshiiskan oo mudo laba bilood ah laga soo shaqaynayey ayaa ku muddaysan 120 maalmood waxaana raridda shixnadahaas la socodkooda iyo isku dubridkooda loo xil saaray xarun laga furay Istanbul oo ay ka hawl galayaan shaqaale ka socda Qaramada Midoobay,saraakiil Turki, Ukraine iyo Ruush ah.

Waxaana suurto gal ah in mudaha heshiiskaa la kordhin karo hadii ay labada dhinac ku heshiiyaan.

Qiimaha sarreenka ee suuqyada adduunka ayaa hoos u dhacay tan iyo markii bishii Febraayo uu Ruushku ku duulay Ukraine.

 

 

 

Ad
Previous articleKhasaaro Dhimasho iyo Dhaawac leh oo Ka Dhashay Qarax ka dhacay Galmudug
Next articleMadaxweyne Xaaan shiikh iyo Raysulwasare Xamse oo Shir albaabadu u xiranyihiin u u socdo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here