Home Wararka Caalamka Putin oo ordogaan ugud biyay Qodobada uu ku joojinkaro Dagaalka Ukrain uu...

Putin oo ordogaan ugud biyay Qodobada uu ku joojinkaro Dagaalka Ukrain uu ka wado

0

Galankii dambe ee Shalay, Madaxweyne Putin ayaa telefoonka kasoo wacay Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan, waxa uuna u sheegay qodobbada ay Ruushku heshiis nabadeed kula gali karaan dowladda Ukraine.

Faahfaahinta wada-hadalka Madaxweynaha Ruushka iyo kan Ukraine ayaa waxaa bixiyey afhayeenka Erdogan, ahna la’taliyihiisa ugu sarreeya, Ibrahim Kalin kaasoo la hadlay BBC, wuxuuna kamid ahaa dad kooban oo dhageysanayey hadalka telefoonka la isku weydaarsaday.

Dalabaadka Ruushka waxay u diyaarsan yihiin labo qaybood. Afarta dalab ee ugu horreysa, sida uu sheegay Mr Kalin, fulintooda aad uguma adka Ukraine.

Kuwa ugu waaweyn waa in ay Ukraine aqbasho inay noqoto waddan dhexdhexaad ah iyo in aysan ku biirin isbahaysiga Nato. Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelensky, horayba wuu u muujiyay inuu sidaas rabo.

Waxaa jira dalab kale oo qaybtan ka mid ah oo badankood u muuqda kuwo waji badbaadin u ah dhanka Ruushka.

Ukraine waa in ay marto hab hannaan looga dhigayo si loo xaqiijiyo in aysan khatar ku ahayn Ruushka. Waa in luuqadda Ruushka lagu ilaaliyo gudaha Ukraine. Waxaa kale oo jira wax loogu yeeray joojinta Nazi-nimada.

Tani waxay weerar culus ku tahay Mr Zelensky, oo isaga qudhiisa Yuhuud ah qaar ka mid ah xubnaha qoyskiisana ay ku dhinteen xasuuqii Yuhuudda ee “Holocaust”. Laakiin Turkiga dhankiisa waxa uu aaminsan yahay in ay arrimahan aqbalitaankooda u sahlanaan doonaan Mr Zelensky.

Waxaa laga yaabaa in dadka reer Ukraine ay ku filnaato inay cambaareeyaan dhammaan howlaha la xiriira taageerada Nazi-ga ayna ballan qaadaan inay baabi’inayaan.

Qaybta labaad ayaa ah midda ay ku jiraan waxyaabaha adag, wicitaankiisa telefoonkana Mr Putin waxa uu ku sheegay in ay u baahnaan doonaan wadaxaajood fool-ka-fool ah oo uu la yeesho Madaxweyne Zelensky, ka hor inta aanan heshiis laga gaarin qodobbadan.

Mr Zelensky waxa uu horay u sheegay inuu diyaar u yahay in uu wadaxaajood is hor fariisi ah la yeesho Madaxweynaha Ruushka.

Mr Kalin aad uma uusan sharrixin arrimahan, isagoo sheegay in muhiimaddu ay tahay inay khuseeyaan waxa laga yeelayo Donbas iyo bariga Ukraine, kuwaasoo qaybo ka mid ah ay horayba u go’een lagana hadlay sida ay Ruush ku noqon karaan, iyo sidoo kale arrinta Crimea.

Inkastoo Mr Kalin uusan waxba faahfaahinin, malaha wuxuu yahay in Ruushka uu dalbaday in dowladda Ukraine ay oggolaato in laga qaato dhul ku yaalla bariga Ukraine. Taasi waxay noqon doontaa mid aad iyo aad u culus.

 

 

Malaha kale ee loo fahmi kari waa in Ruushku uu dalbaday in Ukraine ay si rasmi ah u aqbasho in Crimea, oo Ruushku uu si sharci darro ah ku qabsaday 2014-kii, ay hadda tahay meel uu leeyahay Ruushka. Haddii ay xaaladdu sidaas tahay, qodobkaas Ukraine way ku adkaan doontaa inay laqdo.

Intaas waxaa sii dheer, Ruushku sharci uma laha inuu qaato Cremea waxa uuna saxiixay xeer caalami ah, kaddib markii uu dhacay nidaamkii hanti wadaagga, balse markaas waxay ahayd ka hor inta uusan Vladimir Putin xukunka qabsanin.

Ad
Previous articleDowlada shiinaha oo Gaadiid Dagaal iyo Saanad Milateri Soo Gaarsiisay Dowlada Soomaaliya(Sawiro)
Next articleJoe Biden oo ku tilmaamay Vladimir Putin “kaligii taliye gacan ku dhiigle ah”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here