Home Wararka Somaliya Puntland Puntlnad oo ammartay in lasoo xiro Siyaasiin uu ku jiro lataliyaha...

Puntlnad oo ammartay in lasoo xiro Siyaasiin uu ku jiro lataliyaha Madaxweyne Xasan iyo Xasan Shire Abgaal

0

Maamul goboleedka Puntland ayaa ammartay in lasoo xiro oo caddaaladda la horgeeyo afar siyaasi oo xilal kala duwan kasoo qabtay maamulka Puntland iyo kuwa hadda xilal ka haya dowladda federaalka Soomaaliya.

Qoraal kasoo baxay xafiiska Xeer Ilaaliyaha guud ee Puntland ayaa waaran soo qabasho ah loogu jaray afarta siyaasi oo kala ah Wasiirkii hore ee Maaliyadda Puntland Xasan Shire Abgaal, Ergeyga Madaxweyne Xasan Sheekh, Khadar Faroole, Wasiir hore Maxamuud Shiddo iyo Maxamed Jaamac Faarax.

Afartan siyaasi ayaa xeer ilaalinta Puntland ku eedeesay in ay ka dambeeyeen dagaalkii habeen hore ka dhacay duleedka magaalada Garawe, kaa oo dhax maray ciidamo daacad u ah madaxweyne Deni iyo ciidamo taabacsan siyaasiyiintan qaarkood.

Siyaasiyiinta xeer ilaalinta Puntland ammartay in lasoo ciro ayaan wali ka hadlin arrintan, lamana oga sida ay ku suurto geli karto in lasoo qabto siyaasiyiintan oo ah kuwa hubeesan awood badana ku leh deegaannada Puntland.

Ad
Previous articleWAR DEG DEG AH: Qqarax Xoogan Oo Ka Dhacay Muqdisho
Next articleWararkii Ugu Danbeeyey Qarixii cuslaa ee Ka Dhacay Magaalada Muqdisho

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here