Home Wararka Maanta Puntland oo jawaab kulul ka bixisay hadalkii taliye Shub kasoo yeeray

Puntland oo jawaab kulul ka bixisay hadalkii taliye Shub kasoo yeeray

0

Wasiir ku xigeenka wasaaradda arrimaha gudaha dowlad goboleedka Puntland, Mudane Cabdiweli Mire Xirsi oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal ayaa u jawaabay Xildhibaan Mahad Cabdiraxmaan Aadan (Taliye Shub) oo laga soo doorto dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Xildhibaan Mahad ayaa dhowaan sheegay ka qaaday in Al-Shabaab markii hore laga keenay Puntland, Galmudug iyo Somaliland, ayna tahay in hadda loo eryo dhanka degaanada maamuladaas.

Xirsi oo hadalkaasi naqdiyey ayaa ku baaqay in baarlamaanka Soomaaliya uu xasaanadda ka qaado Xidlhibaan Mahad Cabdiraxmaan Aadan oo loo yaqaano (Shubka).

Wasiir ku xigeenka wasaaradda arrimaha gudaha maamulka Puntland ayaa tilmaamay in Shubka uusan istaahilin inuu xil usii hayo ummadda, sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale wuxuu xildhibaanada ka soo jeeda Puntland, Galmudug iyo Somaliland ugu baaqay inay arrintaan meel sare gaarsiiyaan, si go’aan looga qaato Xildibaan Mahad

“Xildhibaan Shubka inuu maanta yiraahdo, Shabaabka haloo didiyo Galgala iyo Waqoooyiga, waxaanu ka codsanaynaa guddoonka barlamanka in xasaanada lagala noqdo, kaasoo kale in xil loo dhiibo maba ahaynba,” ayuu yiri wasiir Cabdiweli Mire Xirsi.

Inta badan siyaasiyiinta Soomaalida ayaa si kulul isaga weerara dhanka warbaahinta, waxayna tani daba socotaa doodii adkeyd ee Xildhibaan Cabdirisaaq Xusul oo isna weerar ku qaaday Macawiisyeda, taaas oo uu si weyn uga horymid maamulka gobolka Hiiraan.

Maxmada Garoowe oo Xukuntay Nin Garaacay Wiil yar oo Ajanabi Ah

Maxkamadda Darajada 1aad ee gobolka Nugaal ee maamulka Puntland, ayaa maanta xukun adag oo xabsi ah ku riday nin oday ah oo lagu eedeeyay in si sharcidarro ah suuq dhaxdiisa

Dagaal Dhexmara Itoobiya iyo Ereteriya oo laga Cabsi Qabo Inuu Qarxo

Waxaa laga cabsi qabaa in dagaal cusub uu ka dhex qarxo dowladaha Ereteriya iyo Itoobiya, kuwaasoo maalmihii u dambeeyay ciidamo ku daabulayay deegannada u dhow xadka ay wadaagaan. Madaxweyne ku

Warar laga helayo Dagaalo ka dhacay Deegaano Hoostaga Galmudug Sida Ceelhuur

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal culus oo Xalay ka dhacay deegaanka Biyo cadle oo ka mid ah deegaanada hoostaga degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud. Dagaalka ayaa ahaa mid

Xamse oo booqday ciidamada Dowladda iyo kuwa degaanka ee ku dhaawacmay dagaalka lagula jiro Al shabaab

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa xalay ku booqday isbitaalada Xooga dalka iyo isbitaalka Erdogan dhaawacyada Ciidanka Qaranka iyo kuwa deegaanka ee ay waxyeelladu ka soo gaartay dagaalka lagula

Xubno sare oo ka tirsan Al shabaab oo lagu dilay Duqeymo ka dhacday Gobolka Shabeellaha Dhexe

War saxaafadeed kasoo baxay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa lagu sheegay in iyagoo kaashanaya saaxiibada caalamka ay fuliyeen howlgal duqeyn ah oo si gaar ah loo qorsheeyay, kaas oo lagu
Ad
Previous articleWasaarada Waxbarashada oo Joojisay Lacagtii Shahaadada Dugsiga Sare ee ardayda laga qaadi jiray
Next articleAadan Madoobe oo kulan la qaatay Ahmed Almowallad Maxay kawada Hadleen( Sawirro)