Home Wararka Maanta Aadan Madoobe oo kulan la qaatay Ahmed Almowallad Maxay kawada Hadleen( Sawirro)

Aadan Madoobe oo kulan la qaatay Ahmed Almowallad Maxay kawada Hadleen( Sawirro)

0

Ku-simaha Madaxweynaha JFS ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka , mudane Sheikh Adan Mohamed Nur Madobe ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay danjiraha dalka Sacuudi Arabiya Amb. Ahmed Bin Mohamed Almowallad.

Danjiraha ayaa Guddoomiyaha Golaha Shacabka kala hadlay dhismaha Machadka Tababarada Baarlamaanka, horumarinta Baarlamaanka JFS, iyo sidii howl-wadeennadda Golaha Shacabka u heli lahayeen aqoon kororsi.

Waxa uuna danjiraha Sacuudiga u jooga Soomaaliya Guddoomiyaha golaha shacabka Sheekh Aadan Madoobe uga mahadceliyey shaqada dardarka leh ee uu hoggaanka u haayo Golaha Shacabka.

Guddoomiyaha ayaa dhankiisa danjiraha ku bogaadiyay garab-istaaga dowladda aan walaalaha nahay ee Sucuudiga la garab taagan tahay Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dadaalka joogtada ah ee lagu horumarinaayo shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed.

Ad
Previous articlePuntland oo jawaab kulul ka bixisay hadalkii taliye Shub kasoo yeeray
Next articleGudoomiye Madaale oo arrimo Xasaasi ah kala hadlay Paul Simkin iyo xubno la socday (Sawirro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here