Home Wararka Maanta Puntland oo eedayn layaab leh u jeedisay Madaxweyne Xasan Shiikh

Puntland oo eedayn layaab leh u jeedisay Madaxweyne Xasan Shiikh

0

Puntland ayaa sheegtay in dowladda federalka Soomaaliya aysan istaraatiijiyad ka lahayn dagaalka ay kula jirto kooxda Al-Shabaab ee ka socda bartamaha Soomaaliya.

Wasiirka Warfaafinta Puntland ayaa ku eedeeyey dowladda federaalka inay burburisay ciidamadii lagu soo tababaray dalka Eritrea, kuwaasoo uu sheegay inay ku filnaayeen burburinta Al-Shabaab.

“Ciidan fara badan oo tababaran oo dhallinyaro u badan, oo xaalad kaste iyo cimilo kaste lagu tababaray, oo shan kun gaaraya ayaa Eritrea laga keenay. Shantaas kun ayaa Shabaab ka adkaa, haddii si fiican loo maamulo,” ayuu yiri wasiirka.

Wuxuu sheegay in dowladda federalku  dayacday ciidankeeda, isagoo sheegay in maalin kasta uu ay meel cidlo ah ku leyso Al-Shabaab.

Dowladda federalka ayuu sidoo kale ku eedeeyey inaysan Puntland la wadaagin xogaha Al-Shabaab, isagoo xusay Puntland inay halis ugu jirto dagaalyahanada Shabaab ee soo baxsanaya howlgallada ka socda gobolada dhexe inay ku soo dhuuntaan degaanadooda.

Ad
Previous articleXildhibaanada Beesha Ceyr oo Booqday Ciidamada Xoreeyey Bulacle(Sawiro)
Next articleWaa Kumaa Cabdi Madoobe, Sargaalka SSC ee Soomaaliland Ku Sheegtay argagixisada?

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here